Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Farmaajo oo codsaday in la dhiso guddo doorasho madax banaan

Kampala: (SONNA) Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/llahi Max’ed Farmaajo ayaa ku baaqay in la sameeyo gudi madaxbanaan oo qaban qaabiya doorasha Madaxtinimada ee la filayo in bisha August ay ka dhacdo gudaha dalka Soomaaliya.
Max’ed C/llahi Max’ed Farmaajo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siisayay Shabakada Warabaahinta Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay marxalada kala guur ka ah, waxaana Farmaajo uu ku baaqay in la sameeyo gudi madax banaan oo qaban qaabiya doorasha Madaxtinimada Soomaaliya si looga fogaado cadaalad daro iyo musuq maasuq sida uu hadalka u dhigay. 
Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu ku tilmaamay sameeynta gudigaasi in uu yahay mid lama huraan ah, waxaana uu xusay in loo baahanyahay in si cadaalad ah ay wax u dhacaan, dalkana looga saaro marxalada KMG ee uu hada ku jiro. 
Max’ed C/llahi Max’ed Farmaajo ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in uu jiro shaki ku aadan in madaxda dowladda KMG Soomaaliya ee hada ku howlan arinta ergada ansixinaysa qabyo qoraalka dastuurka iyo soo xulida barlamanka cusub ay isku soo sharaxaan markale xilka Madaxtinimo ee dalka, islamarkaana ay u hanqal taagayaan in ay xilkaasi qabtaan, waxana uu tilmaamay in sida kali ah ee looga gudbi karo shakiga jira ay tahay in la sameeyo gudi soo qaban qaabiya doorasha madaxtinimo ee dalka ka dhici doonta. 
Ugu danbeyn Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Max’ed C/llahi Max’ed Farmaajo waxa uu ka hadlay guulaha is daba jooga ah oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay maalmihii danbe ka gaarayeen Xarkada Al Shabaab oo ay kala wareegeen deegano muhiim ah, isagoo xusay in guulahaasi ay yihiin kuwo taariikhi ah oo laga gaaray sida uu hadalka u dhigay argagixisada Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>