Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dowladda KMG ah oo sheegtay in la qabtay qofkii qarxa ka geystay Baydhabo

$
0
0

Baydhabo(sonna)-Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cali Catoosh oo lahadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku soo dhigeen shaqsigii fuliyay qaraxii galinki danbe ee shalay kadhacay suuqa khudaarta ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Catoosha ayaa intaa ku daray in ay beentahay wararka sheegaya in qaraxaa lagu soo riday juwaan ah kuwa khudaarta oo ay wateen haween ku sugnaa suuqaa balse qarxaa uu ahaa Miino gacanta laga tuuray kadibna halkaa uu kadhashay khasaaro soo gaaray haween halkaa ku ganacsanayay.
“Xili kasta Ciidamada amaanka waxay diyaar uyihiin in ay sugaan Amaanka Magaalada Baydhabo waxaana loo baahan yahay in shacabka ay la shaqeeyaan laamaha amaanka si ay u sahlanaato in gacanta lagu dhigo danbiilayaasha falalkaa geysanayaa ayuu yiri Maxamed Cali Catoosh.
maalintii shalay ayeey ahayed markii qarax sababay dhimasho iyo dhaawac uu kadhacay suuqa khudaarta ee magaalada Baydhabo ee xarunta goblka Baay, waxaana Magaalada ay ka mitahay goobihii laga saaray kooxda alshabaab waxaana inta badan kadhaca Qaraxyo iyo Dilal qorsheysan oo ay fuliyaan dad aan sitoosa loo garaneyn walow Laamaha Amaanka DKMG Soomaaliya ay ku eedeyso Ururka Alshabaab ee horey u maamuli jirtay Baydhabo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>