Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

R/W Gaaas Xilbaan iska saareynaa sugida amniga muwaadiniinta Turkiga

$
0
0

Raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli
Maxamed Cali ayaa maanta sheegay inay xukuumaddiisu xoogga saari doonto
sugidda ammaanka muwaadiniinta Turkiga ee howlaha gargaarka iyo
mashaariicda horumarineed ka wada magaalada Muqdisho.

Dr.
Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Turkiga uga tacsiyeeyay muwaadin dhowaan
looga dilay magaalada Muqdisho, wuxuuna meesha ka saaray inay arrintaas
wax u dhimi doonto xiriirka labada dal.

Dhinaca kale, raysul
wasaaraha ayaa sheegay in shirkii dhowaan lagu soo gabagabeeyay dalka
Turkiga laga soo saaray qodobbo badan oo anfacaya Soomaalida, isagoo
rajo ka muujiyay inay dalka ka hirgasho nabad, in la dhammeystiro
dastuurka, lagana baxo xilliga kumeel gaarka ah.

Dr. Cabdiweli
Maxamed Cali ayaa sheegay in sidoo kale madaxda dalka Kenya oo uu la
kulmay ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin
lahaa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>