Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa ku biiray baadi-goobka loogu
jiro sidii loo soo qaban lahaa rag lagu tuhmayo in ay xiriir la
leeyihiin maleeshiyada al-Shabaab oo laga raadinayo gudaha dalka Uganda.
Agaasimaha
Interpol ahna madaxa xiriirka caalamiga ah Asan Kasingye ayaa sheegay
in ay ka gacan siinayaan dowladda Uganda helidda dhowr qof oo ajnabi ah,
kuwaasoo lagu eedeynayo falal argagixisannimo iyo isku dayo ay ku
doonayeen in ay qaraxyo ka geystaan waddamo ku yaalla bariga Afrika.
Kasingye
ayaa xusay in Interpol ay gudbisay macluumaad ku saabsan tilmaamaha iyo
sawirrada ragga la doon doonayo si loogu soo gacan geliyo.
Shakhsiyaadka
la raadinayo waxaa ka mid ah, Martin Muller oo loo yaqaano Axmed
Khaalid Andreas iyo Imran Erdogan oo labaduba u dhashay dalka Jarmalka
midkoodna uu Kenya dhowaan ka soo baxsaday.
Toddobaadkii hore booliska Uganda ayaa qabtay nin isna looga shakisanyahay al-Shabaab oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen.