Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Dekadda iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo la sheegay in lagu wareejiyey shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo..

$
0
0

Warar hoose oo laga helay xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Sheekh Shariif uu ku wareejiyey dekedda iyo Ayraboorka magaalada Muqdisho shirkad ajnabi ah.

Qorshahan lagu wareejiyey dekadda iyo Ayraboorka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu yahay mid qabyo ah oo aan weli si rasmi ah loo dhameystirin, iyadoo shirkadda lagu wareejinayo wafdi ka socdayna ay dhawaan Muqdisho kulamo kula qaateen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Shirkadda la sheegay in lagu wareejiyey dekedda iyo garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabaa SKA Air and Logistics, taas oo uu fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wararku waxay sheegayaan in ka or inta aan si rasmi ah loo dhameystirin qorshaha wareejinta dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uu Madaxweynaha marka hore qorsheynayo in maamulka dekedda uu is bedel weyn ku sameeyo, isla markaasna uu xilka ka qaado maareeyaha dekedda, uuna u magacaabo maareeye kale oo la shaqeynaya shirkadda lagu wareejiyey maamulidda dekedda iyo garoonka diyaaraha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in shirkadda SKA Air And Logistics ee lagu wareejiyey maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradahay ay qorsheynayso inay si rasmi ah ula wareegto 1-da sanadka cusub ee sanadka 2011-ka, waxaana la sheegay in shirkaddan ay ka shaqeyso dalalka ay dagaalada ka socdaan sida Ciraaq iyo Afganistan iyo dalka Soomaaliya oo hadda lagu wareejiyey.
Xigasho: Dayniile


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>