Ciidamo farabadan oo katirsan dowladda federaalka ayaa maanta gadood sameeyey iyagoo xiray dhowr wado oo muhim u ah isu socod dadka iyo gaadiidka magaalada Muqdisho. iyaga oo ka cabanayay Mushaar la’aan.
Ciidankani ayaa waxa ay kasoo carareen Villa Baydhabo halkaasi oo laga soo eryay kadib markii ay kasoo waayeen wax mushaaraad ah ayaa waxa ay kudhaqaaqeen dhibaateyn ay shacabka u geysanayaan, waxaana isbaaro ay ka dhiganayeen maanta wado waliba oo ay soo maraan.
Majirin cid kahor tagtay ciidamadani oo aad u fara badnaa, waxaana ay si cad u sheegayeen in ay mushaarkooda dowladda kasoo waayeen isla markaasina ay yihiin gadood, waxaana xilliga lagu jiro oo ah xilligii u diyaar garowga ciidda ay ku cabanayeen in aysan heysan wax ay reerahooda u geystaan.
Socodka ay kasoo bilaabeen Villa Baydhabo ayaa waxa ay kusoo gaareen wadada Makka Almukarrama, lamana oga ugu dambeyn halka ay kala aadeen iyadoo illaa iyo hadda aanan la ogeyn in dib loo qabtay ciidankaasi oo markale la xareeyay.
Xilliga cabashadani ay kasoo yeereyso Ciidamadani ayaa ah xilli uu ku heysto magaalada Muqdisho dagaaladii ugu xooganaa oo ay kula jiraan kooxda alshabaab iyo guud ahaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda.
Ciidamada Dowladda ayaa arrimaha ku qasba in ay u wareegtaan dhanka kooxaha dowladda kasoo horjeeda ayaa lagu sifeeyay in ay kamid tahay mushaar la’aantani oo kale, waxaana la arkaa in hubkooda ay ka iibsadaan kooxaha dowladda kasoo horjeeda maadaama aysan heynin wax kale oo ay sameeyaan.