Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Somaliya iyo Somaliland oo kulmaya

Somaliya iyo Somaliland ayaa ku kulmaya Britain.

 

Wadahdalkani wuxuu daba joogaa shirkii London bishii Feberuary looga
hadlay Somaliya oo madaxdii caalamka ee ka soo qeyb gashay ay ku dhiirri
gelisay Somalia iyo Somaliland in ay wada hadlaan.

Somaliland ayaa ku horreysay oo shan Wasiir u xil saartay in ay xaggeeda ka soo saftaan.

Laakiin markii dambe Somaliland waxay ka biyo
diidday ergada u soo safatay in ay matalaan Somalia. Waxay ka koobnayd
shan Wasiir oo ah ka tirsan dowladda Dhexe iyo laba Wasiir oo ka tirsan
dowladda Puntland ahna siyaasiyiin degaan ahaan ka soo jeeda gobollada
bari ee Somaliland.

Wadahadalka hadda dhex mari doona Somaliya iyo Somliland waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco dalkan Britain bishan June gudaheeda.

Ilo diblomasi oo xog ogaal ahi waxay sheegayaan
in la filayo in Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Silaanyo aanay ka qeyb
geli doonin wadahadalkan oo lagu wado toban cisho gudahood in uu ku
qabsoomo.

Somaliland maxay dooneysaa?

Tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isu taagga
Somaliland sannadii 1991, waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee ay
Somaliland wadahadal toos ah la yeelato Somalia.

Waxaa la is weydiin karaa Somaliland maxay wadahadalkan ka dooneysaa in ay ku gaarto?

Somaliland waxay shirka ka daneyneysaa laba faa'iido.

Uma badna in ay la seegi doonto in ay isku daydo
in ay ergada dowladda Soomaaliya ku qanciso in ay dowladdoodu aqoonsato
Somaliland. Taas oo beesha caalamkuna ay ku xigi lahayd.

Marka la fiiriyo sharciyadda dowladda ku meel
gaarka ah iyo weliba xilligeedii oo ay laba bilood ka hartay uma muuqato
in ay aqoonsi u meel marin karto Somaliland.

Laakiin Somaliland kulankan waxay ka rajeyneysaa
in uu billow u noqdo wadiiqo laga yaabo in ay aqoonsi uga hesho Somalia
marka laga gudbo xilliga ku meel gaarka ah bisha August ee 2012.

Waxaa kale oo Somaliland ay shirka ka heleysaa in ay muujiso biseylkeeda ah in ay dooneyso xal lagu gaaray wadahadal.

Taas waxay beesha caalamka uga heleysaa ugu yaraan qaddarin, waxaana dhici karta in xataa taageero ay uga hesho.

Si kastaba ha ahaatee, shirku wuxuu labada dhinac u tari karaa in ay helaan hab ay isaga kaashadaan xogta la xiriirta ammaanka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>