Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xarkada Alshabaab oo caawa dhowr jaho weerar uga qaaday ciidamada Dowladda iyo AMISOM iyo guulo ey sheegteen

$
0
0

Dagaal qaraar ayaa caawa gabaldhicii ciidamada ALshabaab waxey kaga soo qaadeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM dhowr jaho oo kala duwan iyadoo weli dagalku socdo.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka qarxay Degmooyinka Boondheere C/casiis iyo Howlwadaag kuwaasi oo u dhaxeeyay Kooxda Al-Shabab iyo Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya AMISOM .

Dagaal ayaa ahaa mid aad u culus oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka Nuucyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiicda Taangiga iyo BM-ka waxaana lagu waramayaa in Ciidamada al shabaab ay horay ugu siqeen fariisimo ay leeyihiin Ciidamada dowlada KMG ah.

Weerarka xoogiisa waxa uu ka dhacay Boondheere Cabdi Casiis iyo wadada Maka al mukarama, kaas oo laga dareemay magaalada Muqdisho oo dhan madaafiicda ayaa ku dhacaysay goobo ka fog halka labada dhinac ay ku dagaalamayeen.

Idaacada ku hadasha Codka Al-shabab ayaa cawa baahisay in ay qabsadeen Dhufeyso badan ay AMISOM ka sameesteen Degmada Boondheere iyo Hotelki hore ee Juba balse isla caawa waxaa beeniyay Radio Muqdisho oo ku hadla afka Dowladda .

Si kastaba ha’ahaatee dagaalka ayaan dhab ahaan la ogeyn khassaaraha uu geystay iyadoo ey tahay xilli mugdi ah  in kasta oo haatan wili laga maqlaya Degmooyinkaasi daryanka Madaaficda .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>