Taliyihii Ciidamada Milateriga Dowladda KMG Gen. Maxamed Geelle Kaahiye ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, kadib markii mudooyinkii u dambeeyay jireen khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha.
Gen. Kaahiye oo bishii December ee sanadkii hore loo magacaabay xilkaas ayaa la sheegay in xil ka qaadistiisa qeyb ka tahay qorshe Madaxweyne Shariif is badal ballaaran ugu sameynayo Talisyada Ciidamada.
Warar qaar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu damacsan yahay in xilkaas u magacaabo Col. Axmed Cumar Jees oo ah nin khabiir ku ah howlaha Milateriga, isla markaana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.
Xil ka qaadista Gen. Kaahiye ayaa soo shaac baxday saacado ka hor, iyadoo wakaaladaha wararka ay qoreen, inkastoo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid uu sheegay in aanu isaga war ka heyn xil ka qaadistaas, hase ahaatee ay tahay in Golaha Wasiirada soo jeedinta leeyihiin hadii xil la magacaabayo iyo hadii kaleba.
Sidoo kale xil ka qaadista Taliyahan ayaa waxaa sii raaci doono mid iyana lagu sameyn doono Taliyaha Booliska Gen. Cali Madoobe oo la sheegayo in xilkaas uu ku weyn doono saami qeybsiga 4.5 oo ay ku dhisan tahay Dowladda KMG.
Gen. Kaahiye ayaa ka mid ahaa saraakiishii hore ee Ciidamada Xooga dalka, iyadoo wixii ka dambeeyay bur burkii Dowladdi Siyaad Bare uu ku sugnaa dalka Mareykanka.