Waxaa weli iska soo daba dhacaya warar ku saabsan qasaaraha ka dhashay Duqeyntii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee ilaa iyo waaberigii saakay sii socotay.
Inta la hubo waxaa duqeyntaas xalay ku dhaawacantay Sadex iyo Toban Qofood (13) oo lix ka mid ahi ay Carruur hal qoys ka soo wada jeeda yihiin, carruurtaas oo xiligii ay dhaawacmayeen ku sugnaa gurigooda.
Cali Muuse, Madaxa Gaadiid Gurmadka degdega ah oo ka hadlay qasaaraha ka dhashay duqeyntan ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ka soo daabuleen agagaarka Shineemo Cabdi Waayeel islamarkaana geeyeen goobaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Duqeyntan ayaa waxaa geystay sida la tuhunsan yahay Ciidamada Amisom Alshabaabku sabab haba u ahaadeen bilowshaha dagaalkee.
Dhanka kale waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay dagaalo iyo weeraro u dhexeeyay Ciidamada Amisom iyo Alshabaab waloow aysan weli labadan dhinac ka hadlay dagaaladii dhexmaray iyo sida ay wax u kala gaareen.
halgankanet@gmail.com