Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Guurtida iyo Wakiilada oo wakhtiga loo kordhiyay

$
0
0

Golaha guurtida ee Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah muddo kordhin ugu sameeyay golayaasha wakiilada iyo guurtida. Xisbiyada mucaaradka ayaa cambaareeyay muddo kordhinta.

Fadhiga maanta ee golaha guurtida waxaa fadhiyay 68 mudane 82ka mudane ee uu ka koobanyahay golaha guurtida somaliland.

Cod qaadis gacan taag ahayd ayaa 65 mudane waxay isku raaceen in golaha wakiilada ee

Somaliland loo kordhiyo laba sano iyo siddeed
bilood oo ka bilaabaneysa mudada dhammaadka xilkooda oo ku eg 29ka
Oktoober 2010, sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha
guurtdu ahna ku simaha gudoomiyaha Sh. Axmed Sh. Nuux Furre .

Waxaa kaloo isla codqaadistaasi aqlabiyadda ah
golaha guurtidu ku go'aamiyay in golaha guurtidana loo kordhiyo saddex
sano iyo siddeed bilood oo ka bilaabaneysa mudada dhammaadka xil
kordhintoodii hore oo iyana ku eg sida ku simuhu caddeeyay dabayaaqada
bisha oktoober ee 2010 .

Golaha guurtida Somaliland waxay kaloo
codeyntaasi ku go'aamiyeen in doorashada golayaasha deegaanada ee
magaalooyinka oo hore waqtigoodii u dhammaaday in doorashadoodu ku
qabsoonto hal sano iyo lix bilood gudahooda laga bilaabo maanta 7da
September 2010 ee codqaadistu dhacday .

Codqaadistan muddo kordhinta golayaasha dawladda
somaliland laba mudane oo keli ah ayaa diiday 68ka mudane ee fadhiyay
fadhiga golaha guurtida ee maanta .

Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay qoraal uu
usoo qoray golaha guurtida ugu soo jeediyay inay muddo kordhin u
sameeyaan golayaasha wakiilada iyo guurtida maadaama aan doorasho
qabsoomeyn waqtigoodiina dhammaad ku dhowyahay.

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa ku tilmaamay
muddo kordhintan tallaabo ka hor imaneysa dimuqraadiyadda oo golayaasha
iyo xukuumaddu muddo dheer kordhiyeen.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID feysal Cali waraabe
ayaa wuxuu kaloo sheegay inaanay Maslaxadda Somaliland ku jirin waqtigan
dheer ee golayaashu isu kordhiyeen ayuu yiri.

Ku simaha gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee
UDUB Axmed Yuusuf yaasiin ayaa isaguna sheegay in saddexda xisbi ee UDUB
, Kulmiye Iyo UCID iyo guddiga doorashooyinka laga sugaayay talooyin
15ka bishan September oo la xiriira muddo kordhinta golayaasha , hase
yeeshee ayuu yidhi muddo kordhintan maanta la sameeyay Ay tahay mid aan
macquul ahayn oo lagaga hordhacay wada tashigii socday.

Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu ku eedeeyay
Madaxweyne Axmed Siilaanyo inuuGawracay - waa siduu hadalka u dhagyee-
taladii ay ahayd in dib la isugu soo noqdo.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>