Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Warbixin kooban oo ku saabsan Kulankii Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Helsinki, Xarunta Finland

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Kulan afar maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa Khamiistii ku aadaneyn Shanta Bishan Agoosto lagu soo gunaanaday Xarunta Sofia ee Dhaqanka.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen Soomaali isugu jirtay, Nabad-jirayaal, Samadoono, Siyaasiyiin hore, Aqoonyahanno, Waxgarad, Indheer-garad, Dibad-joog, Bulshada Rayidka iyo weliba Xoogaga Islaamiyiinta wakiilo ka socday ayaa waxaa habsami u socodkiisa daadihinayay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland Pekka Haavisto.

Sida dad badani qabaan natiijada ka soo baxday kulankan ayaa waxaa ugu mudan in la helay tub ama dariiq loo mari karo baadigoobka nabadda Soomaalida ee mudo dheer laga raadinayay meel aysan jirin.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo wakiilo ka socday ay kulanka goob-joog ka ahaayeen ayaa dhankooda ku dheeraaday ka hadlida waxyaabihii ay ka qabteen Soomaaliya gaar ahaan dhinaca gargaarka iyo nabada waloow Soomaalidii halkaas ka hadashay qaarkood ay aad u dhaliileen waxqabadka Qaramada Midoobay.

FG: Waxaan ku hawlanahay diyaarinta warbixin dhameystiran oo shirkaas ku saabsan, dhowaanna waan idiin soo gudbin doonaa ee ha moogaanin.

Linkigan hoose waxaad ka daalacan kartaan Shirkii Jaraa'id ee gunaanadkii kulankaas la qabtay.

http://yle.fi/uutiset/news/2010/08/helsinki_talks_seek_somali_solutions_1884164.html

  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>