Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland oo ka hadlay ciidamada ka jooga Buuhoodle

Wasiirka gaashaandigga Somaliland, Ahmed Hagi Ali
Cadami, ayaa sheegay in aanu hadda jirin wax go'aan ah oo dawli ah oo ku
saabsan in wax laga bedelo qorshaha istaraatijiyadeed ee ciidamada
Somaliland ee jooga degaannada Buuhoodle.

Hadalkani wasiirku waxa uu ka danbeeyey
waraysiyo ay bixiyeen madax-dhaqameedyo ka kooban salaadiin ka kala
socotey gobollada Togdheer iyo Buuhoodle oo shir dhowr maalmood socday
ugu dhammaaday degaanka Xadh-Xadhan ee u dhexeeya Coodinle iyo
Buuhoodle, kana soo saaray go'aano ay ka mid yihiin in la qaado
ciidamada Somaliland ee ku sugan degaannada Buuhoodle.

Hase ahaatee wasiirka gaashaandhiggu, waxa uu
sheegay in, in kasta oo dawladdu ay taageerayso dedaal iyo is-xilqaan
kasta oo madax-dhaqameedyadu ay ka yeeshaan wadahadallo nabadeed oo
gogol-xaadh ah, in haddana waxa iyaga la gudbooni ay tahay inay
taloyinkooda u soo jeediyaan dawladda, dawladduna ay tahay ta iyadu iska
leh go'aanka kama-dambaysta ah iyo fulintiisa.

Salaadiinta ka qayb gashay shirkaas Xadh-xadhka,
waxaa ka mid ah Suldan Said Osman Ali oo ka mi ah isimada ka socday
Buuhoodle Khadka telefoonka ayuu suldaanku ugu warramay Abdinur S Moh'd
oo waydiiyey ujeedadii shirka ay u qabteen iyo wixii go'aanno ay gaareen

Dhinca kale Salaadiinta dhinaca Burco ka
socotay, waxaa ka mid ah Suldaan mohamoud Xaaji xuseen oo markii ay
Burco dib ugu noqdeen u waramay wariyaha BBCda X JJ Xgar oo marka hore
waydiiyey shirka xadhadhka ee ay cuqasha intaas le'eg ka qayb galeen
sababta looga dhigay shir qarsoodi ah?


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles