Wasiirka amniga ee Dawladda Puntland Gen Yuusuf Axmed Khayr ayaa shir
jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe
waxa uu uga hadlay dagaal maanta Ciidamaada Dawladda Puntland iyo kooxo
hubaysan ku dhexmaray Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.
Buuraha Galgala waxaana uu tilmaamay in dagaalka ay saaka qaadeen
ciidamada Dawladda Puntland kadibna ay maanta kala waregeen Deegaanno
badan oo ay gacanta ku hayeen kooxaha dagaalka la galay Ciidamada
Puntland.
Wasiirka ayaa waxa uu intaasi ku daray in dagaalka ay ku qabsadeen
saldhigyadii kooxahan ay ku lahaayeen Deegaanka Buurolayda ah sida
goobaha lagu kala Magcaabo Balli Khadar, Sudurre iyo kuwa kale waxaana
uu wasiirku sidoo kale sheegay in dagaalku sii socon doono ilaa ay ka
nadiifiyaan waxa uu ugu yeeray kooxaha xagjiriinta ah ee Buuraha Galgala
soo galay.
Wasiirka ayaa mar uu kahadlaayey khasaaraha uu dagaalku gaystay ayaa
waxa uu tilmaamay in dagaalka ay uga dileen kooxaha kasoo horjeeda dad
gaaraayaa 15-ruux halka iyaga kaga dhinteen sida uu sheegay 2 askari
iyodoo ay ka dhaawacmeen 7 kale sida uu sheegay wasiirka amniga ee
Dawladda Puntland Gen. Yuusuf Axmed Khayr.
Wasiirka ayaa ugu dambayntii ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka uu sii
socon doona ilaa inta ay qarka ka saaraayaan waxa uu ugu yeeray
arga-gixisada Buuraha Galgala gabaadka ka dhigtay sida uu sheegay
wasiirku.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland gen C/samed Cali
Shire oo isagu kasoo laabtay jiidda dagaalka Bossasona soo gaaray inta
uu socday shirka jaraa’id ee Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalku
weli kasocda Buuraha fog isla markaana waxa uu Madaxweyne ku xigeenku
sheegay in khasaaraha ugu dambeeyey ee dagaalku yahay dhimashada 3
askari iyo dhaawaca 13 kale oo dhinaca Puntland ah halka dhinaca kale uu
ku sheegay 18 dhimasho ah.
Sikastaba dagaalkan ayaa waxa uu ahaa mid maal mahan la wada sugaayey
maadaama uu maalintii Jimcaha ahayd ku dhawaaqay Madaxweynaha Dawladda
Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Bossaso Puntland Somalia