Fu'aad Qalaf Shangole, Madaxa dacwada Alshabaab oo dad kula hadlay Masjid ku yaal deegaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aqoon fiican u leeyahay shaqada uu hayo Madaxweynaha Yugaandha Yuweri Museveni.
"Museveni waa Baadariga ugu baadariyiinta Afrika wuxuuna si gaar ah Afrika ugu qaabilsan yahay Madaxweynaha Diinta Kirishtanka" Fu'aad Shangole oo sharraxaad ka bixinayay aqoonta uu u leeyahay Madaxweynaha Yugaandha shaqadiisa.
"Yugaandheeska waxaan u sheegayaa in ciidamada ay Soomaaliya u soo dirayaan aysan labaatan Askeri kala laaban doonin waxaana jooga weli Geesiyaashii islaamka" Hadalkaas dardaar werinta ah waxaa hawada u mariyay Reer Yugaandha Fu'aad Shagole, madaxa dacwada Alshabaab.
Ina Shagole oo sii hadlayay ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka Muqdisho ka socda ee ay Kooxdiisu ku milman tahay wuxuuna dagaalkaas ku tilmaamay mid u dhexeeya Masjidka iyo Kaniisada waa siduu hadalka u dhigayay sidaas darteedna aan lagu tilmaami karin dagaal iska caadi ah.
Hadalkan Shangole ayaa ku soo aadaya xili weeraro xiriir ah ay Alshabaabku ku qaadayeen maalin kasta Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo Amisom ee magaalada Muqdisho nkastoo wax guul ah oo la taaban aysan ka gaarin weeraradan, taas bedelkeedase waxay galaafteen dagaaladani nolosha shacab aad u fara badan.
halgankanet@gmail.com