Degmada Hobyo wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in halkaas ay isku rasaaseeyeen koox ka wada tirsan Burcad Badeeda Soomaaliyeed ee xeebaha ka qaraabata.
Dagaalkan ayaa dhacay baa la leeyahay ka dib markii koox ka tirsan Burcad Badeedu gaari nooca tamashla ah ka kaxeysteen magaalada Hobyo iyagoo ku sii jeeday dhanka Gaalgacyo ka hor inta aysan koox kale oo Burcad Badeeda ka tirsan aysan wadada u gelin sidaasna uusan dagaalku ku bilaaban.
Dagaalkan labadan kooxood dhexmaray ayaa waxaa ku dhaawacantay sadex ka mid ah Burcad Badeeda kuwaas oo dhaawacooda haatan lagu dabiibayo Magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.
Labadan kooxood oo mudooyinkan dambe ku wada sugnaa gudaha degmada Hobyo ayaa isku heysta Markab laga leeyahay Dalka Kuuriya oo ay halkaas afduub ugu heystaan.
halgankanet@gmail.com