Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliiska magaaladaasi ay xabsiga dhigeen xoghayahii Madaxweynahii hore ee Puntland.
Ciidamo uu wato Taliyaha Booliiska Magaalada Boosaaso ayaa lasoo sheegayaa inay weerar ku qaadeen xarunta Xisbiga Isbedel doonka Puntland kadibna halkaasi ay ka qaateen qalab badan oo ah qalab xafiiseed.
Ciidamada ayaa sidoo kale waxa ay weerar ku qaadeen guri uu daganaa taliyihii hore ee ciidamada Booliiska Gobalka Bari C/casiis Salaad Gacameey iyo waliba Guddoomiyihii hore ee Gobalka bari Maxamuud Faarax Beeldaaje,inkastoo booliiska masuuliyiintaasi ay ka waayeen gurigooda.
Wararka ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliiska ay ka xeesteen Faarax Cabdullaahi Cumar Gardan oo ahaan jirey xoghayntii gaarka aheyd ee Madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse.
Ilaa hada lama yaqaan sababta ka dambeysa xariga lagula dhaqaaqay masuulkan iyo sababta ka dambeysa in masuuliyiinta kale ee ciidamada ay baadi goob ugu jiraan.
Dhawaan ayeey aheyd markii Booliiska Magaalada Boosaaso ay amar ku bixiyeen inuu guud ahaan Magaalada Boosaaso uu isaga baxo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas.
↧
Ciidamada Puntland oo xeray siyaasiyiin weerarna u geystay saraakiil
↧