Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Nin Jar jaray jirka shaqsi ay saaxiibo ahaayeen oo dil lagu xukumay

$
0
0

 
Ninkii shalay jarjar jirka ruux ay saaxiibo ahaayeen ayaa maanta markii lasoo taagay maxkamada waxaa lagu xukumay dil toogasho ,isaga oo ku sugnaa magaalada Boosaaso.
Xuseen Xaaju Dhicis waa shaqsiga maanta lagu xukumay dilka toogasho,waxaana go’aankaasi qaatay Maxkamada Darajada Koowaad ee magaalada Boosaaso.
Gudoomiyaha Maxkamada Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari oo maanta dhageystay dacwada ka dhanka ah Xuseen Xaaji Yuusuf ( Dhicis ) ismarkaana su’aalihii la weydiiyay qirtay in uu isaga Gacantiisa ku dilay Abaadir Iimaan Axmed ayaa Xukunka dilka ah riday.
Shaqsiga wax dilay iyo ruux la jarjary jirkiisa ayaa waxay ahaayeen saaxiibo si aad ah isugu dhow ,waxaana jirkiisa qeyb ka mid ah uu ku riday musqul ku taala xaafada Buulo Mingis ee magaalada Boosaaso.
Dhicis ayaa maxkamada horteeda ka qirtay in isaga uu dilay saaxiibkiis,waxaana uu shegay in marka falka uu fulinayay uu cabay qamriga.
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>