Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalo maanta ka dhacay duleedka iyo bartamaha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is weydaarsadeen ciidmada Alshabaab iyo kuwa Dowlada Soomaaliya.
Alshabaab ayaa marka hore weerar ku qaaday fariisin ciidamada DOwlada iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen deegaanka Leego ee Gobolkaasi.
Waa dagaalkii ugu qasaaraha badnaa sida ay sheegayaan dadka deegaanka waxaana ku dhimatay 10 ruux oo ah dhinacyadii dagaalamay iyo dadka deegaanka.
Alshabaab ayaa baraha Internetka ee taageera lagu qoray guulo ay ka gaareen dagaalkii maantaa.
Inta laga warqabo 20 ruux ayaa dhaawacyo ay soo gaareen,waxaana deegaanka gacanta ku haya ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Xaalada ayaa degen ,waana weerarkii ugu cusla oo ciidamada Alshabaab ku qaadaan fariisin ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi Leego.
↧
Maxaa Alshabaab iyo AMISOM Maanta kala qabsaday war culus
↧