Dowladan uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud Calasow ayaa durba la kulantay caqabado adag oo ey u maleegay dad cadow ku ah midnimada wadajirka beelaha soomaaliyeed oo intii eysan iman meel usula wada jeeday. Waxaad durba dareemeeysaa in dadkii soomaaliyeed ee faraxsanaa isla markaasna doonaya iney nabad ku noolaadaan ey niyadii ka jabiyeen qoladan cusub ee aan sida muuqata lahayn aqoon siyaasadeed iyo mid karti oo ey ku maareeyaan arrimaha adag ee horyaaala.
Waxaa muuqata iney khalad ahayd in R/W loo magacaabo shakhsi ey soomaliya ugu dambeeysay 25 sano ( labaatan sanno) ka hor kaas oo aan ka warqabin siyaasada iyo mugta beelaha soomaaliyeed qaarkood iyadoo uu joogay R/W wax weyn ka qabtay dalka waa Farmaajo e , waxaana muuqata inuu durbaba ku dhacay siriq loo dhigay.
Dowladan ayaa isku furtay culeysyo waaweyn oo aan loo baahneyn taas oo ey ugu horreysay in ey dhegeystaan dowladu aan danaha soomalia wadin kuwaas u yeeriyey in la yareeyo wasiirada dowladda.
Dad siyaasada indha indheeya ayaa sheegaya in arintan looga dan lahaa in xurgud laga dhex abuuro isla markaasna dib loo soo celiyo qabyaaladii laga gudbay mudadii uu madaxweyn shariif dalka ka talinayey. Shacabka soomaaliyeed ayaa u gudbay iney ururo siyaasadeed ama kuwa diineed u dagaalamaan iyadoo qabyaaladii xumeyd meesha ka sii baxeysay.
Haddaba si loo soo celiyo iney is eegtaan beelaha soomaaliyeed oo eysan hore ugu socon ayaa dowlado shisheeye ku cadaadiyeen dowlada somalia in la yareeyo dowladda lagana dhigo 9 xubnood haddii kale eysan siin doonin kaalmada ey u baahan yihiin iyagoo xatta la dhaadhicin waayey in 10 xubnood laga dhigo dowladda ey in muudo ah diidanaayeen.
Haddii aan tusaaleyno dowladaha deriska waxaa ugu yar dowladda Jabuuti waxeyna ka kooban tahay 12 wasiir kuwaas masuul ka ah nus million dad ah. Waxaad ka dareemi kartaa halkaasi mushiladda ey ku hayaan cadowga soomalia shacabka soomaaliyeed kuwaas oo bidhaas kasta ka daboola dadka soomaaliyeed.
Arrimaha kale ee halista ku ah midmimada iyo qaranimada soomalia oo ey ku kaceen ayaa waxaa ka mid in beelaha waqooyiga soomalia intoodi badneyd dhegaha laga fureystay taas oo lagu tilmaalya siyaasada xumo iyo khibrad la'aan baahsan oo xatta dadka qaar la yaab u noqotay.
Sidoo kale dowladda Soomalia ayaa waxaa ey diideen taladii lagula taliyey in ciidamada Kenya ee qabsaday wadanka si dhakhso ah loogu bedelo ama lagu barxo ama xataa la bedelo taliyaha ciidamada isku sheega iney ka mid yihiin AMISOM taas oo ey dhegaha ka fureysteen iyadoo aad haatan moodo in dowlada Kenya la wareegtay magaalada Kismaayo iyagoo kaashanaya maleeshiyaad beeleed ka soo jeeda mid kamid ah beelaha soomaaliyeed.
Waxaa xusid mudan in madaxweynihhii hore ee Somalia si geesinimo leh heshiis ula gaaray dowladda kenya isagoo ka dhameeyey in ciidamada dowladda sooomaliyeed ey hoggaanka u qabtaan dagaalkii looga xorreynayey qoladii Alshabaab magaalada isteraatijiga ah ee kismaayo.
Hadaba maxaa la gudboon dowladan cusub waa haddii dhegeysanayaane!
1) In dowladda loo daayo sidii eey ahayd markii hore, laguna soo celieyo 18-koodi hore si hore loogu socdo loogana gudbo is-qabqabsi cusub oo dhex dhaca beelaha soomaaliyeed iyadoo dib loo fiirinayo beelaha degga waqooyiga soomalia
2 ) In si dhakhso ah loogu diro ciidamo ka tirsan AMISOM iyo dowladda, lana bedelo ama la barxo kuwo Kenya ee ku sugan magaalada kismaayo.
3) In la caddaadiyo dowladda Kenya iyadoo la kaashanayo dowlaha aan saaxiibka nahay in ey ugu daayaan maamulka dalkeena dowlada la doortay ee soomalia si loo dhameystiro dowlad ka kooban beelaha soomaaliyeed ee degga gobolada Jubooyinka.
4) in waqtiga dheer laga fakaro sidii dhammaanba wadanka looga saari lahaa ciidamada wadanka aan deriska nahay ee Kenya si loo ilaaliyo qaranimada iyo midnimada ummadda soomaaliyeed.
Haddii la yeeli waayo arinta aan kor ku soo sheegnay waxaan shaki ku jirin in ey fashilmi doonto dowladda Somalia taas noqon doonta mid laga xumaado dibna Soomalia ugu celin doonta meeshii hore iyo meel ka xun.