Dad gaaraya Boqol Qofood oo u badan dad asal ahaan ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya ayaa sida la soo sheegayo waxaa loo taxaabay Xabsiyada magaalada Boosaaso, xarunta maamulka gobolka Bari.
Ka dib hawlgal ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada Puntland ayeey ku soo qabqabteen dad ka soo jeeda koofurta Soomaaliya balse ku noolaa xaafadaha degmada Boosooso, dadkaas oo sida lagu eedeeyay wax u dhimayay ammaanka guud ee magaalada.
Sida uu sheegay Wasiirka ammaanka Puntland dadkan ay qabqabteen waxaa haatan lagu sameynayaa baaritaano baaritaanadaas ka dibna waxay muteysan doonaa ugu yaraan masaafurin waxaana laga masaafurin doono gobolka iyo guud ahaan deegaanada Puntland.
Ciidamada iyo maamulka Puntland oo aan u kala harin ayaa horay si heyb-sooc ah boqolaal qofood ugu masaafuriyay Koofurta Soomaaliya, dadkaas oo markoodi horeba ka soo cararay colaada ka holceysa deegaanadooda megengelyana u soo doontay deegaanada Puntland.
halgankanet@gmail.com