Xilshibaano farabadan oo ah kuwa taageeri weyn u haya R/Wasaare Sharmaarke ayaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport si is daba joog ah uga soo degaya iyadoo la sheegayo iney doonayaaan iney u codeeyaan in RW Sharmaarke xilka sii hayo.
Xildhibaannadani ayaa u badan kuwa dhowaan Magaalada Nairobi kulamo kala gaar ah kula soo qaatay halkaasi Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid iyadoo wararku ay sheegayaan in Ra’iisal wasaare Sharma Arke uu dalka kusoo celiyay si mooshin ladoonayo in laga soo gudbiyo ay u difaacaan.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa iminka kusoo koobmay kuwa calooshood u shaqeysteyaal ah oo marnaba danta dalka aanu ka shaqeyneynin, waxaana marwaliba ay si toos ah ula saftaan qofkii lacag siiya si xilka laga qaadi rabo ay ugu codeeyaan in aan laga qaadin.
Dhowaan ayaa lafilayaa in kulamada Baarlamaanka ee caadiga uu dib uga bilowdo Magaalada Muqdisho iyadoo uu socdo qorsheyaal ku aadan sidii loo tuuri lahaa Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Dhanka kale waxaa cirka isku shareeray khilaafka ka dhexeeya Madaxda sare ee dowladda markii uu Sharmaarke u magacaabay agaasime cusub dekada Muqdisho isla markaasna eryey agaasimihii hore kadib markii uu ka dhega adeegay inuu dhiibo lacag RW weydiiey inuu dhiibo taas oo la sheegay iney sii hurisay khilaafka ka dhexeeya labada nin ee hoggaamisa dowlada KMG ah.
Shacabka soomaalyeed ayaa badankood quus ka taagaan halka ey ku socoto dowlada KMG iyo dowladaha Somalia oo ka horreeyey iyadoo mar walba Madaxweynaha iyo RW is qabsadaan sababo la xiriira awoodooda oo aan la qayixin.