Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xildhibaanad Zeynab Caamir oo xildhibaankii codkiisa kalsoonida siiya Xukuumada Sharma'arke ku tilmaantay mid Alshabaabku ka daacsan yahay

$
0
0

Xildhibaanad Zeynab Caamir oo maanta idaacadaha magaalada Muqdisho intooda badan la hadashay ayaa ka hadashay sida ay u aragto Xukuumada Soomaalida ee haatan saaran miiska Baarlamaanka Codka kalsoonidana loo qaadi doono sida qorshuhu yahay.

Zeynab oo cabireysay aragtideeda ku aadan Xukuumada Soomaalida ee haatan jirta ayaa sheegtay in maanta Xildhibaankii codkiisa kalsoonida siiya Xukuumada Sharma'arke uu yahay Xildhibaan aan daacad aheyn oo ay ka daacadsan yihiin kuwa xababada kala soo horjeeda gaar ahaan Alshabaab.

"Xukuumadu waxay dayacday mas'uuliyadeedi gaar ahaan daryeelka Ciidamada Dowladda iyo bixinta Mushaaraadkooda waxayna xaqiiqatan Wasiirada Xukuumadu %80 yihiin kuwa dibadda ka yimid oo lacag raadis ah, aqoonyahannadii gudaha ku sugnaa wax fursad ah lama siin oo ay aqoontooda dadkooda uga faa'ideeyaan" Xildhibaanad Zeynab oo oo cabireysay fikirka ay ka qabto Xukuumada Cumar Cabdirashiid uu horboodo.

Hadalkan dhaliisha ah ee ka soo yeeray Xildhibaanad ayaa ah mid ka dambeeyay muranada iyo isqabqabsiga u dhexeeya mas'uuliyiinta dowladda Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaruhu haba ugu darnaadaane.

halgankanet@gmail.com  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>