Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciidamadda Dowladda KMG oo howlgalo baaritaano ah ka wada Degmada Waabari.

$
0
0

Ciidamada Booliska dowladda KMG ee Soomaaliya saaka howlgalo baaritaano ah waxay ka wadaan xaafadaha Degmada Waabari ee Magaaladda Muqdisho.


Askarta dowladda KMG ee Saaka howlgalada ka wada Xaafadaha Degmadaasi waxay ku hubaysan yihiin gaadiidka dagaalka waxayna baaritaano guri guri ah ka wadaan saakayto Degmadaasi, waxayna howlgalada saamayn ku yeesheen socodka gaadiidka dadweynaha iyo ganacsiga Degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Ciidamada Booliska saakayto howlgalada ay ka wadaan degmadaasi dhalinyaro dhowr ah oo ka mid ah kuwa deegaanka kala baxeen xaafadahooda, halka qaar kalena kala dageen gaadiidka BL-ka oo baaritaano culus ka wadeen.

Taliska Ciidamada Booliska Dowladda KMG ee Soomaaliya faah faahin kama bixin howlgalada saakayto ciidamada Booliska ka sameeyeen Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii howlgalada saakayto ciidamada ka sameeyeen Degmada Waabari waxay ku soo beegmaysaa xili shalay ciidamada Booliska iyo ciidamado xaafadeed isku rasaaseeyeen degmadaasi.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>