Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ciidamo dhowaan soo galay gobolka Awdal kadibna u gudbay buuraleyda Maarmaar ee dhanka Xariirad.
Ciidamadan oo weli la aqoonsan halka ey ka yimideen ayaa waxaa la isla dhexmarayaa warar dhowr ah oo is khilaafsan iyadoo aan Weli dowlada SOmalilamd war laga heyn ku saabsan dadka soo galay degaanka.
Dadka qaar ayaa sheegaya in ciidamadani yihiin kuwa ka tirsan ururka ONLF kana yimid dalka Eriteriya halka warar kalena sheegayaan iney yihiin ciidamo reer Awdal ah oo ka soo horjeeda xukuumada Somaliland oo dhowaan ey dadka degaanku ku eedeeyeen sadbursi beel ku dhisan walow aan arrintaasi loo maleyneyn iney run tahay.
Wararka kale ayaa iyaguna sheegaya in ciidamadin yihiin kuwa mucaaradku ku ah dalka Jabuuti isla markaasna la soo baxsaday hub iyo ciidan si ey weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ugu qaadaan dowladda Jabuuti. Dhanka kale war isaga la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in ciidamadani yihiin kuwa gacan saar la leh ururka Alshabaab kuna yimid Zeylac Doomo si ey dagaalo iyo rabshado uga bilaabaan Somaliland iyo iney ka hortagaan shir la isla dhexmarayey beryahan in lagu qaban doono meelo ka tirsan gobolka Awdal kaaas la doonayo in la isugu keeno qolooyinka ku hardamaya siyaasada Somalia
Si kastaba, wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ahi soo galeen dhulka buuraleyda ah oo ey ku dhuumaaleysanayaan cdiidankan iyadoo la filayo in dagaalo halkaasi ka dhacaan.