R/Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Dr. Cumar
C/raxashiid Cali Sharmaarke oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa maanta dib ugu soo noqday dalka xilli xilkiisu uu halis ku jiro kadib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne Shariif Sh. Axmad.
Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxa uu ka soo ambabaxay magaalada
Nairobi ee xarunta wadanka Kenya waxaana si aad ah u soo dhoweeya xubno
farabadan oo ka tirsan golaha Wasiirada ee xukuumada KMG Soomaaliya.
Raysal wasaraha ayaa markii uu soogaaray magaalada Muqdisho waxa uu
hadal kooban uu siiyay Saxaafada waxa uuna Sheegay in uu si aad ah kaga
xunyahay qilaafka haatan jira.
Raysal Wasaare Sharmaarke ayaa waxa uu xusay in qilaafka haatan soo kala
dhaxgalay masuuliyiinta dowlada laga bixi doono sida
ugu dhaq siyaha badan.
Waxa uuna sidoo kale sheegay raysaysal wasaaraha Soomaaliya in
qilaafkaan uu saameeyay golaha baarlamaanka iyo golaha wasiirada dowlada
KMG Soomaaliya.
Imaashaha raysal wasaaraha ayaa waxa ay ku soo adaysaa iyadoo qilaaf
xoogan uu kala dhaxeeyo madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya, iyo waliba
iyadoo uu baaqday maanta kulan ladoonayay in ay isugu yimaadaan xubnaha
baarlamaanka si cod loogu qaado xukuumada.