Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo warbaahinta qaarkood la hadlay ayaa sheegay in ciidamadoodu isku ballaarinayaan magaalada Muqdisho iyagoo saldhig cusub ka degay qeyb magaalada ka mid ah.
Afhayeen Bahoku wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi ay saldhig ka sameysteen Cusbitaalka Guud ee Digfeer sidaas si la mid ahna ay dacalada magaalada Muqdisho saldhigyo kale ka sameysan doonaa waa siduu hadalka u dhigaye.
AMISOM ayaa bilowday in ay isku ballaariso magaalada Muqdisho ka dib markii bishii Ramadan ee aanu soo dhaafnay xoogaga Mucaaradku si weyn culeys weerar u saareen saldhigyada cayiman ee ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho.