Maxamad Cismaan Caruus, afhayeenka Xisbul Islam ayaa daboolka ka qaaday in qarixii dhicisoobay ee ka dhacay afaafka hore ee Villa Somali iyo ninkii qaraxaas doonayay in uu fuliyo ay iyagu waa Xisbul islaame ka dambeeyeen.
"Mas'uuliyadda weerarkii Madaxtooyada innaga ayaa iska leh, ruuxa watay qorshahana wuxuu ka tirsan yahay Xisbul Islaam, waxaana lagu magacaabaa Muuse Cali Cabdulle Khayre" Sidaas waxaa saxaafada u sheegay Mr. Caruus mar uu faahfaahin ka bixinayay ninkaas ismiidaamiyay balse aan gaarin goolkii uu hiigsanayay.
Mr. Caruus wuxuu sidoo kale ku hanjabay in weerarada noocan oo kale ay sii soconayaan islamarkaana uu weerarkani fariin u yahay dowladda halka weerarada tooska ahna ay sidoodi hore iyo si ka sii badan u sii socon doonaan.
Ninka la toogtay balse damacsnaa sida la sheegayo in uu isqarxiyo ayey saraakiisha amaanka Madaxtooyadu da'diisa ku sheegeen Labaatan jir waloow ay ka gaabsadeen in faahfaahin intaas ka badan ay bixiyaan, waxayna warkiisa ku u daayeen Baaritaano socda iyo ciidamada baaritaankaas gacanta ku haya.
Xisbul Islam ayaa markii ugu horeysan sheegtay qarax ha dhicisoobo ama ha fulee ismiidaamineed oo dowladda ka dhan ah laakiin Alshabaab ayaa qaraxyada noocan oo kale caan ku ahaa.