Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Sh. Daahir Aways oo sheegay in shirarka Somalia ee la qabanayo shirqool lagu maleegayo

$
0
0

Sheikh  Xasan Daahir Aweys hoggaamiyaha ururka xisbul Islaam ayaa ka hadlay shirarka maalmihii u danbeeyey ka dhacayay caalamka ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.
Hoggaamiyaha oo la hadlay Idaacadda BBCda ayaa sheegey in shirarkaasu dhamaantooda uu u arko fara gelin lagu samaynayo Diinta iyo Dalka Soomaaliya, sidaa darteedna aysan marnaba aqbali Karin go’aan kasta ee ka soo baxa Shirarkaas taasoo uu sheegey in loola jeedo Shirqool loo maleegayo Umadda Soomaaliyeed.
Xasan Daahir ayaa ka dhawaajiyay in gebi ahaanba ay diidan yihiin Ciidamada Shisheeye ee dalka jooga iyo kuwo haatan la soo wado isagoona ku taliyay inay habboon tahay in Soomaaliya loo daayo danaheeda si uga tashato.
Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa ku tilmaamay shirarka waxa loogu yeeray beesha caalamka waa siduu hadalka u yiriye inay yihiin kuwo logu doonayo sidii Soomaaliya loo fara gelin lahaa Diinteeda sharafteeda iyo qaranimadeeda sidaa darteedna ay ka soo hor jeedaan lana dagaalami doonaan wax kasta oo fara gelin ah oo Soomaaliya dibadda uga yimaada.
Xasan Daahir oo hadlkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in haddii beesha caalamka ay danaynayso arrimaha Soomaalida in ay kaa saarto Ciidamada shisheeye  isla markaana ay joojiso kuwa ay soo waddo isagoo dhinaca kalena xusey inay tahay in soomaalidu wada hadasho kana tashato wixii danaheeda.
Mar uu ka hadlayay is af garan waaga u dhaxeeya Soomaalida ayuu Shiikh Xasan sheegey in arrimahaas oo dhan ay ka danbeeyaan Dadka Soomaaliya u Cadowga sidaa darteedna ay Soomaalidu is fahmi karto heshiisna ka gaari karto arrimaha dhexdeeda ah.
Sheikha ayaa tibaaxay in dhankooda dagaalka ay kaga soo hor jeedaan Ciidamada AMISOM ay wadi doonaan inta ay dalka ka saarayaan isagoona iska fogeeyey in wax wada hadal ah ay la galayaan Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya.
Hoggaamiyaha Ururka Xisbul islaam ayaa ah nin mowqifkiisu meel kaliya ku dheggan isagoona mar walba ku dooda inay doonayaan si loo helo wada hadal nabadeed iyo dawlad ay soomaalidu soo dhisato in ciidamada shisheeye dalka laga saaro.
Si kasta beesha caalamka ayaa iminka wadda sidii loo taageeri lahaa dawladda ku meel gaarka Soomaaliya oo dagaalo kula jirta Xarakada Shabaabul Mujaahiddiiniyo waliba ururuka Xisbul Islaam.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>