Dowladda spain ayaa dowladda KMG ee
Soomaaliya ugu deeqday lacag gareysay 3milyan oo euro intii lagu guda
jiray shirka kooxda xriirka caalamiga ah ee ICG.
Madaxweynaha soomaaliya Mudane Sh
Shariif Sh Axmed ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Spain
Miguel Ángel Moratinos ayagoo ka wada hadlay xaaladda dalka Soomaaliya
iyo xalka loo heli mashaakilaadka ka jira soomaaliya.
Miguel Ángel Moratinos ayaa Dowladda KMG
ugu deeqday 3milyan o euro si loogu taageero howlaha dowladda iyo
dhisidda ciidmada Ilaalada badda Soomaaliya si wax loga qabto ammaan
darrada ka taagan biyaha Soomaaliya.
Sidoo kale dhaqaalahaan ayaa loo
qorsheeyay in lagu hormariyo Kalluumeysatada Soomaaliya iyo waliba
dayactirka markab weyn oo ay leedahay Soomaaliya oo ku yaalla dalka
Spain.
Ka sockoow deeqdaan Spain ka qeyb
galayaasha shirka ayaa si wada jir ah u muujiyay sida loogu baahan yahay
in la taageero dowladda KMG ee Soomaaliya si looga saaro dalka
marxaladda adage e uu ku jiro.
Madaxweynaha ayaa maanta la kulmi doona
R/wasaaraha dalka Spain oo ay kawada hadli doonaan arrimo badan oo ku
saabsan dalka Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.