Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Gobolka Hiiraan oo maamul loo sameeyay iyo maamulkaas oo ku dhaartay in ay Alshabaab iyo Xisbul islaam cagta marinayaan

$
0
0

Maamul la magac baxay Dooxadda Shabelle oo maalmo ka hor deegaanka Kala-Beyrka ay uga dhawaaqeen rag ka tirsan maamulkii Hiiraan ee dowladda ayaa hadda hawada dhaar u marinaya Alshabaab iyo Xisbul islaam.

Yuusuf Daba-geed oo ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan ee looga dhawaaqay deegaanka Kala-beyrka ayaa sheegay in maamulkoodu uu haatan bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan deegaanada gobolka Hiiraan ee kal hore gacantooda xooga looga maroojiyay.

Daba-geed wuxuu sidoo kale ku dooday in aysan wax iskaashi ciidan ah la laheyn dowladda Itoobiya ee marwalba ciidamo soo gelisa gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ku teedsan xuduudka beenaadka labada dal kal barta.

Hanjabaadi waa halkeedee waxaa hadda muuqata in gobolka Hiiraan ay ka soo cusboonaadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, dhaqdhaqaaqyadaas oo cabsi weyn ku abuuray dadka marrasta ah ee markoodi hore la daalaa-dhacayay maareynta noloshooda.

halgankanet@gmail.com  


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>