Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay u arkaan wadan ay Alqaacido ku baraartay waxl aan awood ciidan aheyna aan wax looga qaban karin.
Agoustine Mahiga, wakiilka arrimaha Soomaaliya ee QM oo warbaahinta kula hadlay magaalada Geneve ee dalka Switzerland ayaa ku dooday in Soomaaliya oo ay dagaalo ku socdeen mudo rubuc qarni ku dhow ay deegaan iyo gabbaad intabada u noqotay shaqsiyaad argagagixiso ah.
Shaqsiyaadka argagixisada ah ayuu sheegay Mahiga in ay wakiil ka yihiin Alqaacida caalamiga taas oo hadda si xoog leh ugu fiday dalka Soomaaliya wax aan dagaal aheyne aan waxba looga qaban karin waa siduu hadalka u dhigaye.
Wakiilka Qaramada ee Arrimaha Soomaaliya ayaa ku celceliyay baaq uu u dirayay Beesha Caalamka isagoo ku beer-laxawsanaya in ay xoog ku wajahaan xaalada Soomaaliya ee maalinba maalinta ka dambeysa ka sii dareysa.
Dadka odorasa siyaasada aan seynta la qabto laheyn ee Soomaalida ayaa rumeysan in QM ay lugta ku walaaqeyso arrimaha Soomaaliya, waxyana dadkani daliil ka dhigtaan baaqyada quusta lagu xardhay ee ka soo baxa mas'uuliyiinta QM haba ugu dambeeyo kan ka soo baxay Mahigee.