Maxkamad hoostagta Alshabaabka ka taliya gobolka Gedo ayaa xukun lala yaab oo dadka ka fajiciyay ku riday qaar ka mid ah ganacsatada deegaankaas.
Ganacsatadan oo sadex nin ka kooban ayaa waxaa lagu soo qabtay sida uu sheegay mas'uul u hadlay Alshabaabka gobolka Gedo iyagoo gaari ku wada Tubaako fara bada.
"Tubaakada beeristeeda iyo ka ganacsigeeda intaba horay ayaan uga mamnuucnay gobolka sidaas darteed ragan lagu qabtay Tubaakada waxaan ku xukunay in nin kastaaba uu Alshabaab u soo iibiyo qoriga AK-47 loo yaqaan iyo dhowr qasnadood" Sidaas waxaa saxaafada u sheegay Shiikh Bishaar, gudoomiyaha gobolka Gedo ee Alshabaab.
Dadka deegaanka ayaa xukunkan ku tilmaamay mid la yaab leh oo aan horay deegaanka u soo marin, waxayna qaarkood ku talinayaan in la sii wado halka qaarka kale ee Tubaakada ku mirqaamana ay ka soo horjeedaan.
halgankanet@gmail.com