Madaxweynaha Soomaaliya oo lugta soo mariyay dhowr dal ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa, xarunta dalka Itoobiya wuxuuna kula kulmay Ra'iisal wasaaraha dalkaas.
Shariif oo aan horay u sii sheegin in uu Addis Ababa tegayo ayaa Meles la yeeshay kulan saacado badan qaatay, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaalida u fadhiya magaalada Adiis Ababa Mr. Saciid.
Safiirka oo kulankaas labadan oday waxyaabihii ay kaga xaajoodeen saxaafada uga warbixinayay ayaa sheegay in labada dhinac ku dheeraaday ka hadlida xaalada uu haatan dalku marayo iyo weliba khilaafkii sababay in Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Sharma'arke shaqada ka fariisto.
Mr. Saciid wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweyne Shariif Ra'iisal wasaaraha Itoobiya iyo guud ahaanba IGAD ka codsaday in ay sii laba jibaaraan taageerada ay siiyaan dowladiisa dagaalada culus kula jirta kooxo jiritaankeeda ka soo horjeeda.
Safarka Madaxweynaha ee dalka Itoobiya ayaa ku soo aadaya xili xiisad ballaaran ay u dhexeeyso Xoogaga gacan saarka la leh dowladda Soomaaliya ee Ahlu Sunna Waljamaaca, xoogagaas oo lagu xanto in ay xiriir hoose la leeyihiin dowladda Itoobiya.