Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Howlihii dekadda Muqdisho oo saakay dib u soo laabtay kadib markii uu ka shiraacday markab hub siday

$
0
0

Markab Hub iyo Sanad u siday Ciidamada AMISOM oo maalmihii la soo dhaafay ku xirnaa dekada caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa saakay halkaasi ka shiraacday kadib markii laga dejiyey hubkii uu siday.

Waxaa saaka caadi ku soo laabtay howlaha
dakada Magaalada Muqdisho oo shalay ahayd shaqa la'aan ka dib
markii Ciidanka Amisom uu u soo xertay markab siday Hub iyo Saanad
Ciidan.

Markabkan oo saacada badan laga dajinayay
Hubka ayaa waxa uu watay Calanka Midowga Afrika isagoo ka yimid
dhanka Xeebaha Wadanka Kenya kaasi oo Hub culus u keenay Ciidanka
Amisom.

Markabka ayaa mudada la dajinayay waxaa
guud ahaan la mamnuucay Telfonada gacanta oo lagu qabto hareeraha
dakada iyo dadkii dakada ka shaqeynayay oo dibada looga soo saaray
lana xanibay shaqadooda.

Markabka ayaa xalay si nabad ah uga shiraacday
dakada Magaalada Muqdisho markii laga dajiyay Hubkii iyo Saanadii
Ciidan oo uu u siday Ciidanka Amisom ee ku sugan gudaha Magaalada
Muqdisho.

Dhawaanahan waxaa soo badanayay Hub aad
moodo in loogu gargaarayo Ciidanka Amisom kuwaasi oo si is daba
joog ah looga soo dajinayay garoonka iyo Dakada Magaalada Muqdisho
xilli awooda dowlada weli ay tahay mid liidata.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>