Afhayeenka Guud ee Xarakada Shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo maanta warfidiyeenka shir jaraa'id ugu qabtay ayaa waxaa uu ka hadlay shirarkii u dambeeyay ee ku soo dhamaaday wadamada Mareykanka iyo Spain, kaasoo ay yeesheen Golaha loo dhan yahay ee UN-ka iyo Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya.
Cali Dheere ayaa sheegay in gebi ahaanba shirarkaas ku soo dhamaadeen fashil weyn, isagoo xusay in lagu canaantay Dowladda KMG ah oo ka soo bixi weyday waxyaabaha ay u soo dhiseen oo uu sheegay inay camiil u tahay reer galbeedka.
"Dhamaan shirarkaas waxay ku soo dhamaadeen fashil iyo in lagu canaantay Dowladda Ridada"ayuu yiri Cali Dheere oo intaa ku daray in dhamaan shirarkaas ay ahaayeen kuwo shirqoolo loogu maleegayay shacabka.
Sidoo kale waxaa uu tibaaxay in waxyaabaha lagu canaantay Dowladda KMG ay ka mid aheyd lacagihii ay ku sameysay musuq maasuqa, isagoo tilmaamay in haba yaraatee aan lagu soo qaadin xasuuqa loo geysto shacabka soomaaliyed.
Sh. Cali Dheere ayaa ugu dambeyn sheegay in wax walba Beesha Caalamka ka soo saaraan arrimaha Soomaaliya ay iyagu shafka u dhigan doonaan, isla markaana ay la dagaalami doonaan wax kasta oo ay soo dhoodhoobaan.
Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Shabaab ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Shariif uu ka soo qeyb galay shirarka Qaramada Midoobey iyo mid ay yeesheen Kooxda Xiriirka caalamiga, kaas oo laga soo saaray qodobo ku aadan Siinaakuta.