Magaalada Beledweyne, xarunta maamulka gobolka Hiiraan waxaa maanta ka barakacaya shacabkii ku dhaqnaa ka dib markii xoogaga Alshabaabku difaac ka galeen daafaha magaalada ciidamo xabashi ahina ay ku soo dhowaadeen.
Ciidamo Xabashi ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo ay gar-wadeen u yihiin kuwa Dowladda ayaa haatan ku sugan deegaanka Kala-Beyrka iyagoo muujinaya dhaqdhaqaaq dagaal ka dhan ah xoogaga Alshabaab ee Beledweyne ku sugan.
Shalay ayeey aheyd markii deegaanka Ceelgaal oo 18km u jira Beledweyne ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa xoogaga Alshabaab, dagaalkaas oo ay labada dhinac guulo ka kala sheegteen.