Faarax Macalin, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa Mareykanka ku eedeeyay in uu xagal daacinayo dadaal kasta oo Soomaaliya nabad loogu baadigoobayo.
Siyaasada Mareykanka ee ku wajahan Soomaaliya Faarax Macalin wax mugdi ah ugama jirto in aysan aheyn mid wax dhiseysa taasna waxaa u daliil ah sida Faarax qabo faragelinta qarbudadaada siyaasadeed ah ee uu Mareykanku ku hayo Geeska Afrika.
Faarax oo aad uga soo horjeedi jiray Qabqablayaashii dagaalka ee Mareykanku bari-taageeri jiray ayaa berigii dambe xoogagii Maxkamadaha ee Qabqablayaashaas meesha ka saaray garab istaagay waxaana la xusuustaa in uu xitaa Muqdisho ku booqday.
Laakiin Faarax Macalin oo ifinayay tuhun dad badani ka qabaan in uu Alshabaabka taageero siyaasad ahaan ayaa wuxuu arintaas ka yiri; "Waxaan taageeray Maxkamadihii Islaamka, weligeyna ma taageerin Al-shabaab, waayo waxaan rumeysanahay inay yihiin koox ay dhiseen reer galbeedku,"
Mareykanku meesha uu kala qaaday Soomaalida ee uu sidan ugu colaadinayo Faarax waa u caddahay sida uu qabo waxaana uu arintaas ka yiri isagoo dib u xusuusanay horaantii sagaashamaadkii "Mareykanku sagaashamaadkii waa kii ku jabay dagaalkii uu Soomaaliya ku qaaday, marka waa iska caddahay waxaa uu jabkaas ka qaaday cadaawad, cadaawadiina waa u jeendaa hadda in ay socoto".
Ugu dambeyntii Faarax Macalin waxaa uu ka mid ah yahay siyaasiyiinta Soomaalida ka soo jeeda ee magaca weyn iyo mansabkaba ku leh Kenya waxaana lagu yaqaan hadal cad oo aan laablaab laheyn iyo in uu meesha bugta farta saaro marka uu ka hadlayo arrimaha Soomaaliya.