Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan SOmalia ee fadhigoodu yahay Nairobi ayaa markii lixaad sheegtay inay xafiisyada ey hay’adau ku leeday Nairobi ee qaabilsa ee arrimaha Soomaaliya ay u soo rareysoso gudaha Soomaaliya.
Mr. Augustine-Mahiga oo ah Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adahaas ay haatan ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay ay qalabkoodu u soo raran lahaayeen.
Sida uu sheegay Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya in lagu jiro isku dubaridkii ugu dambeeyay ee la xiriira sidii xafiisyada QM loogu soo rari lahaa koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, ayuu xaqiijiyay Mahiga.
Sidoo kale Wakiilku wuxuusheegay in todobaadyo gudahood laga soo rari doono xafiisyada QM ee Soomaaliya oo haatan ku sugan yihiin badankooda dalka Kenya, si ay howlahooda ugu qabtaan gudaha Soomaaliya.
Hase yeeshee Arrintan ayaa ayaa lagu micneeyey in loola jeeda sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, iyadoo marar badan oo horey ay QM balan qaaday inay soo rareyso xafiisyadeeda laakiin ey been sheegi jireen.