Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Alshabaab oo siminaar u qabtay odayaasha dhaqanka Muqdisho

$
0
0

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka tirsan saraakiisha sare ee
Xarakada Mujaahidiinta Shabaab ayaa maanta baaq ku wajahan odayaasha
dhaqanka ee konfurta Soomaaliya u jeediyey.
Sheekh Fu’aad Khalaf  oo ka hadlayey seminaar ururka Al Shabaab ay u
qabteen nabadoono ku nool magaalada Muqdisho ayuu kaga hadlay qodobo
kala duwan isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday doorka odayaasha
dhaqanka.
“Odayaasha Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho waxaan idin leenahay
dagaalka ka qeybgala oo wadanka difaaca”, ayuu yiri Sheekh Fu’aad oo
hadal u jeediyey nabadoonada seminaarka loo qabtay.


“Dagaalka maanta socda ninkii ka hara waa FAASIQ marka loo eego Quraanka
iyo Sunnaha”, ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Fu’aad Shongole oo ka
hadalayey masjidka Dabaqeyn ee degaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada
Muqdisho.
Sheekh Fu’aad waxaa uu fariin u diray wadamada Uganda iyo Burundi isagoo
sheegay inay qixin doonaan shacabka ku dhaqanka Bujumbura iyo Kampala
ee ah casimadaha labadaasi dal.


“Intay naga gooyeen ayaan ka goyn doonaa, ILLAAHAY waxaan kula ballanay
in Bujumbura iyo Kampala laga qaxo. Siday noo barakiciyeen ayaan u
barakin doonaa”, ayuu yiri Sheekh Fu’aad.


Dhinaca kale Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf wuxuu fariin u diray culimada
Soomaaliyeed isagoo sheegay in culimada waajib uu ku yahay inay dagaalka
ay ugu horeeyaan.


Munaasabada seminaarka ah ee maanta loo soo gabagabeeyey qaar ka mid ah
nabadoonada ku dhaqan Muqdisho ee ay soo qabanqaabisay Xarakada Shabaab
ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ah
wakiilka Al Shabaab ee gobolka Banaadir oo isaguna sheegay in ruuxii
Janno raba uu tago safka hore ee dagaalka.


Wuxuuna baaqiisa ku sheegay in aan dadka looga baahneyn inay afka ka hadlaan ee looga baahan yahaay dagaalamaan.
Baaqa maanta ka soo yeeray saraakiisha sare ee Xarakada Shabaab ayaa ku
soo beegmay iyadoo maalintii shaley hadal uu jeediyey wakiilka Shabaab
ee gobolka Banaadir uu kaga dalbaday haweenka Soomaaliyeed inay
carruurtooda keenaan dagaalka hubna ay u soo gadaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>