Dagaal culus oo aan waxba la isu reebay dhiig badanna daadiyay ayaa ku dhexmaray laba beelood oo walaalo ah balse magac maamuleedka ku kala duwan.
Labadan beelood oo walaalo ah islamarkaana ood wadaag ah ayaa ku kala abtirsada maamulada Ximan iyo Xeeb iyo maamulka kale ee Galmudug State waxayna dagaalkan oo kaliya isaga dileen sida wararka lagu helayo dad gaaraya labaatan qofood halka dhaawucuna intaas ka badan yahay.
Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaano ku xeeraan degmada Gelinsoor waxaa laga baqaya haddii aan la qaboojin in uu ku sii fido deegaano hadda nabdoon waxaana wararka naga soo gaaraya gobolka sheegayaan in odayaal waxgarad ah ay ku dadaalayaan sidii dabkaas walaalaha ka dhex holcaya loo baqtiin lahaan.
Ka sokoow dagaalkan beelaha waxaa gobolka ka jira colaad xal loo waayay oo u dhexeeysa Ururka Alshabaab iyo Ahlu Sunna Dowladda iyo Xisbul Islaamna naftoodu ka marna colaada.
halgankanet@gmail.com