Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegtay in ay ku hamineyso dib u qabsashada magaalada Beledxaawo ka dib markii halkaas ay ka fara maroojiyeen Alshabaabku.
Taliyaha ciidamada Ahlu Sunna oo ku sugan deegaanka Dooloow ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay guluf dagaal ku qaadayaan magaalada Beledxaawo iyagoo garabsanaya dadka deegaanka iyo ciidamada dowladda ee uu wato Barre Hiiraale.
Taliyahan ayaa sheegay in ay haatan gacanta ku hayaan shaxdii dagaal ee ay ku qabsanayeen islamarkaana ku difaacanayeen magaalada inkastoo uusan si oos ah carabka nooca shaxdaani ay tahay ugu dhuffan sirta waxa uu ugu yeeray xeelada dagaalka darteed.
Alshabaab ayaa si sahlan uga qabsaday Ahlu Sunna magaalada waxaana hadda magaalada si buuxda gacanta ugu haya Alshabaab halka Ahlu Sunnana ay ku sugan yihiin deegaanka Dooloow.
halgankanet@gmail.com