Wararka naga soo gaaraya magaalada Buur Hakaba ayaa sheegaya in halkaas ay maanta ka jirto xiisad colaadeed oo aad u kacsan.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in magaalada laga dareemayo dhaqadhaqaaq ciidan iyo bawda qaawis ciidameed waxaana gudaha magaalada lagu arkayaa ciidamada Alshabaab oo raxanraxan u socda halka duleedka magaaladana ay tuban yihiin ciidamadii Xisbul islaam ee halkaas laga saaray.
Xiisadan ayaa ka dhalatay dagaalada soo noqnoqday ee magaalada ku dhexmaray Alshabaab iyo Xisbul islaam waxaana uu dagaalkii ugu dambeeyay ka dhacay halkaas shalay, dagaalkaas oo labada dhinac u geystay qasaaro nafeed.