Paris: Idaacada Shabelle Radio ee ka hawlgasha magaalada dagaalada u saaxiibka ah ee Muqdisho ayaa xaflad si heer sareysa loo soo yagleelay kana dhacday magaalada Paris lagu gudoonsiiyay abaalmarin.
Hay'ada Caalamiga ah ee Reportes Sans Frontieres oo ah hay'ada gudoonsiisay abaalmarintan idaacada Shabelle Radio ayaa idaacadan ku sifeysay "calaamad geesinimo", waxaana sidoo kale idaacadan loo aqoonsan yahay mid ka mid ah idaacadaha gaarka loo leeyahay kuwooda loogu qadarin ogyahay.
"Hagardaameynta joogtada ah ee ay ku hayaan xoogagga islaamiyiinta ah ee la dagaalama dowladda iyo madaafiicda ka soo dhacda dhanka ciidamada dowladda ee marmar ku dhaca xarunta idaacada ka sokoow waxay weli u sii halgameysa sii jirtaanka shaqada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed" Reporters Sans Frontiers.
Cali Cabdiga Shabelle ayaa abaalmarintan ku tilmaamay "sharaf weyn" isagoo dhanka kale hoosta ka xariiqay in ay sii wadayaan halganka ay ugu jiraan hirgelinta Warbaahinta xor ah iyo weliba difaacida xuquuqul insaanka.
Idaacada Shabelle Radio ayaa hadda ka hawlgasha dhanka ay dowladu ka xukunto magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka soo qaxday Suuqa Bakaaraha oo ay maamuleen xoogaga dowladda ka soo horjeedaahi, xoogagaas oo idaacadihii la jaalka ahaa Shabelle sida Horn Afrik xoog kula wareegay.