Ciidamada AMISOM ayaa rasaas aan loo meel dayin ooda uga qaaday gaari ay saarnaayeen qaar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya xili uu marayay agagaarka Daarta ZOPE ee KM5.
Wadihii gaariga ay ciidamada AMISOM ku fureen rasaasta ayaa sheegay in mid ka mid ah askartii gaariga saarneyd uu ku dhaawacmay rasaasta ka soo dhacday Ciidamada AMISOM halka gaarigiina uu soo gaaray burbur lixaad leh.
"Rasaasta markii ay nagu fureen ayeey iska dhaqaajiyeen, taasina waxay sababi kartaa wadashaqeyntii oo meesha ka baxda" Sidaas waxaa laga soo xigtay wadihii gaarigii ay saarnaayeen ciidamada dowladda ee ay rasaasta ku fureen AMISOM.
Hogaanka AMISOM iyo kan milteriga dowladda ayaan weli dhacdadan wax war ah ka soo saarin laakiin ciidamada AMISOM rasaasta waa isga furaan cid kasta oo ay ka shakkiyaan waxaana xusid mudan in askarta Dolwadu aysan waxba ka qaban karin xitaa dhibaatada ay AMISOM iyaga ku hayaan.