Hogaanka Xisbul islaam oo ku shirsanaa deegaanka Ceelasha Biyaha labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxay kulankaas oo shalay gabal-dhicii soo dhamaaday ka soo saareen baaq dagaal oo ka dhan ah Alshabaab.
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo shirkaas daadihinayay ayeey dad aad ugu dhow Sheekha ka soo xigteen in Xisbul islaam isku raaceen difaacida deegaanada kooban ee ku haray gacantooda gaar ahaan deegaanada ku yaal duleedka magaalada Muqdisho iyo weliba degmada Afgooye.
Ciidamada Xisbul Islaam ayaa heegan buuxa galay ka dib markii la dareemay in saldhigyadooda ay ku soo wajahan yihiin Xoogaga Alshabaab oo maalmo ka hor guluf weerar Xisbiga uga qabsaday magaalada Buur hakaba ee gobolka Bay.
Dhanka kale waxaa la soo sheegayaa in isku day lagu doonayay in xiisada u dhexeysa labadan kooxood lagu qaboojiyo uu meesha ka baxay ka dib markii Alshabaabku diideen in gorgortan ay ka galaan deegaanada ay Xisbul islaam ka qabsadeen.