Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Jaamacadda Kismaayo oo dufcadii 8aad ka qalin-jabisay

$
0
0

Kn: Madaxweynaha dawlad gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka qayb galay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday ka qalin-jabisay jaamacadda Kismaayo. Ardadan oo ahayd dufcadii 8aad ee jaamacaddu soo saarto kuwaasi oo ka qalinjabiyay culuumta kulyadaha kala duwan ee jaamacaddu leedahay ayaa ayaga iyo waalidoon tooda iyo kuwa xaasleyda ahba waxaa ka muuqday farxad iyo reyn-reyn.
Madaxweyne Axmed oo ardayda mid mid u gudoonsiinayay shahoodooyinka isla mar ahaantaana kalmad dhiiri galin iyo balanqaad isugu jira goobta ka jeediyay ayaa sheegay inay mudnaanta koobaad siinayaan dhanka shaqaalaysiinta ardayda dalka wax ku baratay si looga reebo tahriibka iyo dal kooda ka hayaamaan. Wuxuu sidoo kale madaxweynuhu amaanay maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Kismaayo asagoo sheegay in Jaamacaddu ay tahay tii dhashay Jubbaland (hooyadii Jubbaland) maadaama shirkii lagu yagleelay maamulka ay Jaamacaddu marti galisay.
Jaamacadda Kismaayo ayaa haatan kamid ah jaamacada ugu tayo roon Soomaaliya marka laga hadlaayo dhanka waxbarashada. Jaamacadda ayaa sidoo kale dhiirigalinaysa dhalinta da'da yar ee wax ku barata dugsiyada sare ee magaalada Kismaayo iyo waliba guud ahaan gobolka.
storvideo: 


Taliyihii wasiirka dhaawacay oo xil loo magcaabay

$
0
0

3rd February 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Labo sano ka hor Taliyihii Ciidanka Puntland Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Afguduud), ayaa ka codsaday taliyihii Ciidanka Birmadka Puntland Cabdirisaaq xasan Cuuke (Afdolow) tirakoobka Ciidanka uu xukumo, oo uu kaga mushahaar qaato dawladda Puntland.
Afdolow, oo markii ugu horaysay uu ka yimid magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug, shaqo ka bilaabay maqaaxi ku dhex taalay dekedda Boosaaso, oo aan lahayn khibrad ciidan ayaa jeclaysan waayey isaga oo ka yimid Mudug inuu su'aal noocan oo kale ah uu waydiiyo nin ka soo jeeda beelaha kuwa aan tiradoodu badnayn.
Afdalow, markiiba wuxuu bilaabay inuu xabadeeyo taliyihii tirakoobka ciidankiisa waydiiyey
Wasiirkii hore Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab iyo Gudoomiyaha Gobalka Bari ayaa ku dhaawacmay rasaastii uu riday Afdowlow maalintaas, oo uu ku doonayey inuu ku dilo taliyaha waydiiyey Tirakoobka ciidankiisa .
Is raasayntaas ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Cali Xuun iyo 6 askari oo ka tirsan Ciidamadda Puntland.
Ninkii Caynkaas ahaa oo dhaawacay Wasiirkii hore ee amniga Puntland , taliyihii booliiska, gudoomiye ku xigeenkii gobolka Bari, halisna geliyey Bulshada reer Boosaasood ayaa qaab qabiil maanta waxa loogu magcabay taliye ku xigeenka Booliiska Puntland, halka Taliyihiisii hore ee ciidanka Puntland oo ka soo jeeday beelaha aan tiradoodu badnayn oo shaqasiisa gudanayey uu isagu ilaa maanta shqo l'ayahay
Ugu danbayntii maanta hadaad is waydiinayso mee Ciidankii Puntland". Waxaad ogaataa inay ahaayeen kuwo lagu mushahaar qaato oo qura. Waana sababta qorigii beeshaadu lahayd maanta laguu waydiinayaa
Madaxweynaha dawladda Puntland.
Markuu arkay: Datuurka dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1-Waxaa S/GUUTO Cabdulaahi Shire[Dool] loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boosliska Puntland.
2- Waxaa G/Sare Bile Faarax Cali loo magcaabay Taliye ku xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Puntland.3- Waxaa G/Sare Cusmaan Xassan Cuuke loo magcaabay Taliye ku xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Puntland.
[embedded content]
Labo sano ka hor Cabdirisaaq xasan Cuuke (Afdolow) oo ahaa taliyihii Ciidanka Birmadka Puntland, ayaa taliyihiisii Ciidanka Puntland Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Afguduud
storvideo: 

Kenya oo dhaqan celineyso dhalinyaro ka soo goosatay Al Shabaab

$
0
0

Nairobi ( Sh. M. Network )-Saraakiil ka tirsan Dowladda Kenya ayaa sheegay in ay dhaqan celinayaan illaa iyo 60 dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta dalalka Soomaliya iyo Kenya.
Dhalinyaradaasi ayey saraakiishu sheegeen in dhammaantood ay u dhasheen dalka Kenya, waxaana ay intaasi ku dareen in ay ku jiraan qaar ka tirsanaa Ardayda Jaamacadaha dalka kenya.
Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in dhalinyaradaasi dib ugu soo laabtay dalkooda ay Dowladda ka caawin doonaan, sidii looga hortagi lahaa weerarada Al Shabaab ay ka geystaan gudaha dalkaasi.
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Kenya ayaa sheegay in dhammaan dhalinyaradaasi isu soo dhiibay Dowladda loo diri doono baaritaan caafimaad ka hor inta aysan la kulmin Qoysaskooda.
Sanadihii 2016 iyo 2017 ayaa waxaa qaar ka mid ah Jaamacada Kenya ka tagay illaa 54 Ardey ah kuwaas oo ku biiray Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Daacish ee dalalka Siiriya, Soomaaliya iyo Yemen
Kenya ayaa horay Al Shabaab ugu adeysay in ay toogteen dhalinyaro dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkeeda, kana tirsanaa Al Shabaab, kuwaas oo lagu tuhmay in ay u basaasayeen ciidamada dalka Kenya.
The post Kenya oo dhaqan celineyso dhalinyaro ka soo goosatay Al Shabaab appeared first on Shabelle.

Myanmar oo beenisay xabaal wadareedyo muslimiinta Rohingya ah oo la helay

$
0
0

Saraakiisha dalka Burma ayaa ku gacan seeray wararka sheegaya in tiro xabaal wadareedyo ah laga helay tuulo ku taalla gobolka Rakhine, halkaasi oo hoy u ah inta badan mowmiyada laga tirade badan yahay ee muslimiinta Rohingya ah.

Kenya oo Lagu Eedeeyay Inay Caadeysatay Duqeynta...

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in duqeymaha ay ka fuliso Goboladda Jubooyinka iyo Gedo in ay waxyeelo ugu geysato dad shacab ah.
Cali Yacquub Nuur oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradaha Dowladda Kenya ay ku fuliyaan Gobolka, lagu waxyeeleeyo dad shacab ahaa.
Waxa uu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay ee dhacay Todobaadkii aynu soo dhaafnay waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ahaa, islamarkaana Dowladda Kenya ay sheegtay in lagu burburiyay saldhig dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ee ku lahaayeen Gobolkaas.
Diyaaradaha dagaalka Dowladda Kenya ayaa inta badan duqeymo ka fuliya koonfurta dalka Soomaaliya, intooda badan waxaa lala beegsadaa Saldhigyadda Al-shabaab.
storvideo: 

Muuqaalo cusub qaabka ay u shaqeeyaan Sirdoonka...

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]
storvideo: 

Myanmar oo beenisay xabaal wadareedyo muslimiinta...

$
0
0

Saraakiisha dowladda Myanmar ayaa ku gacan seeray wararka sheegaya in tiro xabaal wadareedyo ah laga helay tuulo ku taalla gobolka Rakhine, halkaasi oo hoy u ah inta badan mowmiyada laga tirade badan yahay ee muslimiinta Rohingya ah.
Saraakiishu dowladdu waxa ay sheegeen inay baaritaan ka sameeyeen tuullada Gu Dar Pyin, halkaasi oo wakaalada wararka ee Associated Press news ay ku sheegtay inay kusoo aragtay cadeymo muujinaya xasuuq loo geystay sanadkii lasoo dhaafay ku dhawaad 400 oo qof oo muslimiinta Rohingya ah.
Saraakiisha waddankaasi Burma ayaa sheegay in wararka la xiriira xabaal wadareedyo shanta ah oo aan horey loo sheegin ay tahay warbixin qalad ah.
Waxa ay sheegeen in koox mintidiin ah ay soo weerareen ciidamadda ammaanka, balse laga dilay 19 ka mid ah dagaalyahanadii weerarka soo qaaday kaddibna halkaasi lagu aasay.
storvideo: 

Xabsi daa’in lagu xukumay Nin Gaari ku jiirsiiyay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

London (SONNA)-Maxkamad ku taala Magaalada london ayaa waxay xabsi daa'in ku xukuntay ninkii ka dambeeyay weerarkii gaariga xamuulka ahaa ee loo adeegsadey, kaas oo lagu jiirsiiyey dad Muslimiin ah oo joogay meel u dhow Masjid ku yaala Waqooyiga Magaalada London.
Ninkaan la xukumay oo ay da'diisu tahay 48 sano ayaa lagu magacaabaa Daren Osborn, waxaa uuna si bareer ah u dilay nin lagu magacaabi jiray Mukram Ali, isagoo ku jiirsiiyey Gaari Xamuul ah.
Garsooradda Maxakamadda Justis Sheima ayaa sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso ah oo si ula kac ah loogu dilay dad aan waxba galabsan.
Qoyska muwaadinka lagu dilay weerarkaasi ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in Wiilkooda Ali si xun loo dilay isagoo aan cidna wax geysan.
Weerarka Gaariga Xamuulka loo adeegsadey ayaa waxa uu ka dhacay goob furan oo ay ku sugnaayeen dad Muslimiin ah gaar ahaan Deegaanka lagu magacaabo Finsbury Park ee ku taala Magaalada London 19-kii bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo weerarkaasi lagu dhawaacay 9 ruux kale xilli ay Masjid ka soo baxayeen.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous article10 kun oo Sambuus oo la geyn doono Garoonka Ciyaaraha Minneapolis
Next articleIlaa 90 qof oo Tahriibayaal ah oo ku dhintay Badda Libiya

storvideo: 


Al Shabaab Oo Markale Gacanta Ku Dhigay Diyaarad Drone Ah

$
0
0

Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarad nuuca loo yaqaano Drones-ka ay ku soo dhacday nawaaxiga deegaanka Awdheegle ee gobolkaasi.
Al Shabaab oo gacanta ku haya halkaasi ayaa sheegay in ay qabteen burburka diyaaradaasi oo ku soo dhacday duleedka deegaankaasi Awdheegle.
Waxaana ay tilmaameen in ay ka furteen qalab u badan Kaamirooyin oo sida ay sheegeen aan waxba gaarin.
Labo maalin ka hor ayey ahayd, markii sidan oo kale diyaarad Drone ah ay ku soo dhacday deegaanka Beerxaani ee gobolka Jubbadda Hoose, taas oo burburkeeda ay gacanta ku dhigeen Al Shabaab.
Arrimahan ayaana ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe diyaaradaha Mareykanka ay kordhiyeen duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee ay ka fuliyaan Soomaaliya.
The post Al Shabaab Oo Markale Gacanta Ku Dhigay Diyaarad Drone Ah appeared first on Shabelle.

Xabsi daa,in oo lagu xukumay nin Gaari ku jiirsiiyey...

$
0
0

Maxkamad ku taala Magaalada london ayaa waxay xabsi daa,in ah ku xukuntay ninkii ka danbeeyay weerarkii gaariga xamuulka ah loo adeegsadey kaas oo lagu jiirsiiyey dad Muslimiin ah oo joogay meel u dhow Masaajid ku yaala Waqooyiga Magaalada London. Ninkaan la xukumay oo ay da,diisu tahay 48 sano ayaa lagu magacaabaa Daren Osborn waxa [...]
storvideo: 

Ilaa 90 qof oo Tahriibayaal ah oo ku dhintay Badda...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Libiya(SONNA) Wararka laga helaya Dalka Liibiya ayaa sheegaya in Ku dhowaad 90 ruux Tahriibayaal ah ay ku dhinteen Xeebaha Dalkaasi Liibiya, kaddib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay Badda gelinkii hore ee jimcihii.
War ay soo saartay Hey'adda IOM ayaa lagu sheegay in illaa iyo hada 3 ruux laga soo badbaadiyay doonida ku degtay xeebaha ee ay la socdeen Tahriibayaasha.
Mid ka mid ah dadka la soo bad baadiyay ayaa sheegay in dadka Tahriibayaasha ee la socday doonta ay u badnaayeen Pakistan-yiin, kuwaasoo doonayay inay gaaraan dalka Talyaaniga.
Waxaa soconaya dadaalo lagu badigoobayo dadka weli lagu la'yahay badda, midteraniamka oo isku xirta Afrika iyo Qaaradda Yurub.
Dadka Tahriibayaasha oo ka baxaya wadamada Afrika ayaa marin u ah dalka Libiya, iyagoo Badda Meditarean-ka uga sii gudba Talyaaniga, waxaana Libiya ka jira is adoonsi lagula kaco dadka tahriibayaasha, waxaana laga qaataa lacag madax furasho ah.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleXabsi daa'in lagu xukumay Nin Gaari ku jiirsiiyay Dad Muslimiin ah

storvideo: 

KDF launches fresh air strikes in southern Somalia

$
0
0

Kenyan military fighter jets have launched airstrikes against Al-Shabaab controlled villages in southern Somalia on Friday afternoon.
The attack happened near El Wak town in Gedo region, where Al Shabaab has bases used to plot attacks against Somali army and the African Union forces in the border areas.
The KDF jets fired several missiles at militant camps, but it was not possible to determine the number of casualties because of poor visibility.
Residents said the airstrike has inflicted casualties on a number of innocent civilians living the rural villages, where the Kenyan airforce warplanes have targeted.
The post KDF launches fresh air strikes in southern Somalia appeared first on Shabelle.

Hargeysa: Xarunta Xuquuqda SL oo ka Hadashay Xariga N. Qorane

$
0
0

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa xad-gudub dhinaca xuquuqul insaanka iyo sharciga Somalilandba ku tilmaamay xarigga Naciimo Axmed Ibraahim oo ku xidhan Hargeysa maalintii todobaad

Daawo: Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay in aan...

$
0
0

Daawo: Wasiirka Gaashaandhiga Oo Sheegay in aan Nabada Cidna laga baryeyni Ayna hirgalin doonaan barnaamijyo Cusub
[embedded content]
storvideo: 

Deg deg :- Shaqaale Hormuud ka tirsan oo Muqdisho...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkada isgaarsiinta ee Hormuud Koox hubeysan oo wadata gaari nuuca raaxada ah ayaa gudaha shirkada Hormuud qeybta xaafada buun-dooyinka ee degmada Waabari ku dilay shaqaale shirkadaas ka tirsanay oo loogu galay xafiiskiisa halkaasina lagu dilay.
Shaqsiga la dilay ee ka tirsan shaqaalaha shirkada Hormuud ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Suleyman.
Kooxdii dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, lamana oga sababta ka danbeysa dilka loo geystay shaqaalahaan ka tirsanay shirkada Hormuud.
Waa markii labaad maalmo gudahood la dilo shaqaale ka tirsan shirkada Hormuud ee Muqdisho, khamiistii ayey aheed markii shaqaale ka tirsan shirkada Isgaarsiinta Hormuud Qarax miino lagula eegtay deegaanka tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Hargeysa: Xarunta Xuquuqda SL oo ka Hadashay Xariga...

$
0
0

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa xad-gudub dhinaca xuquuqul insaanka iyo sharciga Somalilandba ku tilmaamay xarigga Naciimo Axmed Ibraahim oo ku xidhan Hargeysa maalintii todobaad.
Xarunta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay maanta kaga dalbatay maamulka Soomaaliland inay shi shuruud la'aan ah u sii daayaan Gabadhaasi ka tirsan hal-abuurka da'ada yar ee Soomaaliyeed.
Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka taleefanka Hargeisa kula xiriirtay, Guuleed Axmed Jamac (DAFAC), Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:05:42
0:00:00 /0:05:42
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Guddoomiye Basma Caamir “Ma aqbali doonno in dekadda...

$
0
0

Muqdisho, Feb, 3 2018--Waaxda Faya-dhowrka ee gobolka Benaadir u qaabilsan ka hor tagga waxyaabaha dhacay iyo qiimaynta tayada Badeecadaha kana ka hawl-gasha Dekedda weyn ee Xamar ,ayaa maanta soo bandhigtay raashin iyo waadooyin uu waqtigeedu dhamaaday,taasoo ay ku wareejiyeen laamaha ammaanka si loo gubo.
Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta gobolka Benaadir, Marwo Basmo Caamir Shakeeti oo kormeer ku tagtay goobaha laga helay agabka dhacay ayaa sheegtay in dawladda hoose oo kaashanaysa hay'adaha ku shaqada leh iyo laamaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo magaalada soo gelinaysa alaabooyin dhacay.
"Waxaan kormeer ku tagnay Dekedda magaalada Muqdisho, si aan u baarno cabashooyin maalmahan halkaas naga soo gaarayay, baaritaan kadib, waxaan halkaas ka helnay hal kontaynar oo daawo dhacday ah kuna taariikhaysan, 2014-2016-2017. Sidoo kale, waxaan bakhaarka no.3 ku soo aragnay jawaano bur dhacay ku jiro kaas oo biyo ay soo gaareen, cid walba oo arrimahaas ku lug leh oo doonaysa in magaalada la galiyo badeeco dhacdayna tallaabo ayaan ka qaadaynaa". Ayay tiri Marwo Basmo Caaimir.
Guddoomiye Basmo Caamir ayaa ganacsatada Soomaaliyeed fartay in eysan dib dambe u keenin dalka wax ayan naftooda u quurin, iyadoo xustay in laga baxay waqtigii fawdada uu dalku ku jiray, lana joogo xiligii isla xisaabtanka iyo dabagalka wax yaabaha dalka soo galaya .
storvideo: 

Madaxweyne Muuse Biixi oo Sheegay Inay Somaliland ku...

$
0
0

"Ma jiro dal Afrika ah oo ay sidan oo kale isugu wada yimaadaan madaxweynihii, madaxweyneyaashii hore, kuwii SNM hoggaaminayey ee madaxda u ahaa, xisbiyadii mucaaridka ahaa iyo dhammaan qarankii oo dhammi, marka ay danta guud tahayna inaynu mid nahay bay ku tusaysaa oo aynu cadowga meel uga soo wada jeedno, dhammaanteenna aynu doonayno dhismaha iyo horumarka qaranka Somaliland" Madaxweyne Muuse Biixi++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++"Guddoomiyaha WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, labaduba waa halyeeyo qaran-dhis ah oo doonaya inay qaranka kor u qaadaan oo ay kaliya kala fikir duwan yihiin xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa, balse ay qaranka u siman yihiin wanaagiisana ay doonayaan, marka ay qaran tahayna loo midaysan yahay, laakiin marka ay kala duwanaanshaha fikradaha iyo in la is dhaliilaa waxa ay u jeedda tanaa toosan iyo tanaa toosan, dadkana waxan u sheegayaa inaanay jirin cadowtinimo iyo meel lagu kala maqan yahaye," ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.*******************************************************************************************"Waxaanu ku faanaynaa ra'yi-yada kala duwan, waxaanu ku dhaadanaynaa xisbiyadayada qaranka, waxaanu ku dhaadanaynaa saxaafaddayada xorta ah ee na raad-guraysa ee xumaantayada toosinaysa, waxaanu ku dhaadanaynaa labadayada aqal ee Guurtida iyo wakiillada ee xukuumadda xakamaynaya ee ka qabanaya qaladka ay galaan, waxaanu ku faanaynaa garsoorkayaga madaxa bannaan ee madaxweynaha maxkamad saari kara ee qofkii qaldamaba dambigiisa ku qaadi karta, dhammaanba hay'adaha qarankana waxaan ka codsanayaa inaynu ku dedaalno caddaaladda iyo inaynu ku dedaallo inaynu hore u marino dawlad-wanaagga oo aynu dhammaanteen u wada guntanno dhibaatooyinka dalkeena haysta." Madaxweyne Biixi
Hargeysa-03-02-2018-(ToggaHerer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si waafi ah bulshada ugu sharraxay muhiimadda ay leedahay kala duwanaanshaha afkaarta iyo ra'yi-yada siyaasiyiinta dhexdooda ah, waxaana uu tilmaamay inaanay jirin colaad dhex taalla oo warwar gelisa bulshada inteeda kale.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay madal lagu xusayey sanad-guurada 24-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku sugnaayeen madaxweyneyaal, iyo ku xigeeno hore oo dalka soo maray iyo hoggaanka axsaabta mucaaridka iyo muxaafidka ee dalku, ayaa sheegay in aanay jirin wax colaad ah oo u dhaxaysa siyaasiyiinta ku legdamaya hoggaaminta qaranku, "Xafladda Maantu waxa ay muujinaysaa inay Somaliland tahay qaran Dimuqraaddi ah oo ku socda wada-tashi iyo is-tixgelin, dadka qaarkiina way la yaabaan Dimuqraaddiyadda dhibteeda, waxaana ay u qabaan xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda ama marka la gelayo doorashooyinka Erayada iyo doodaha la is-weydaarsanayo waxa ay u qaataan colaad iyo kala-tag, dad badan baana yidhaahda waxan dalku uma baahnee hallaga daayo, sidaa ma ahee xaqiiqadu waa mucaaraddada, afkaarta kala duwan iyo qaybsanaanta ra'yiga iyo dooddu waa quruxda iyo dhismaha ay Somaliland ku dhaaftay qayrkeed, Somaliland-na waxa ay aaminsan tahay kala duwanaanshaha ra'yiga iyo Aaraa'da la isku khilaafayo, doodda adag iyo saxaafadda madaxa bannaan ee raadinaysa qaladkii aad gashaba ay tahay waxa aynu ku dhaafnay dalalka qayrkeen ee Afrika oo dhan oo maanta la inagu majeernayo innaga oo aan cidina ina ictiraafin, cidina wax ina tarin heerka aynu soo gaadhnay maamul-wanaageenna, Dimuqraaddiyadeena iyo is ogolaanshaheenna," ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Muuse Biiixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay Dimuqraadiyadda iyo wada-jirka ka jira gudaha Somaliland tahay mid heer lagu faano gaadhay, isla markaana bulshada reer Somaliland oo dhammi ka midaysan tahay horumarka qaranka Somaliland, waxaana uu yidhi, "Ma jiro dal Afrika ah oo ay sidan oo kale isugu wada yimaadaan madaxweynihii, madaxweyneyaashii hore, kuwii SNM hoggaaminayey ee madaxda u ahaa, xisbiyadii mucaaridka ahaa iyo dhammaan qarankii oo dhammi, marka ay danta guud tahayna inaynu mid nahay bay ku tusaysaa oo aynu cadowga meel uga soo wada jeedno, dhammaanteenna aynu doonayno dhismaha iyo horumarka qaranka Somaliland."
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u carrabaabay hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, waxaana uu ku sifeeyey halyeeyo dhismaha qaranka heegan u ah, balse ay xagga fikirka ku kala duwan yihiin xisbiga talada haya ee KULMIYE, "Guddoomiyaha WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, labaduba waa halyeeyo qaran-dhis ah oo doonaya inay qaranka kor u qaadaan oo ay kaliya kala fikir duwan yihiin xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa, balse ay qaranka u siman yihiin wanaagiisana ay doonayaan, marka ay qaran tahayna loo midaysan yahay, laakiin marka ay kala duwanaanshaha fikradaha iyo in la is dhaliilaa waxa ay u jeedda tanaa toosan iyo tanaa toosan, dadkana waxan u sheegayaa inaanay jirin cadowtinimo iyo meel lagu kala maqan yahaye," ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay Somaliland ku dhaadanayso isku duubnideeda, isla markaana ku faanayso ha'yadaha kala duwan ee qarankeedu shaqooyinka ay hayaan iyaga oo u madax-bannaan hawlahooda shaqo, isaga oo bulshadana ka codsaday inay isku duubni iyo wada-jir kaga baxaan caqabadaha kala duwan ee qaranka soo wajaha, waxaana uu yidhi, "Waxaanu ku faanaynaa ra'yi-yada kala duwan, waxaanu ku dhaadanaynaa xisbiyadayada qaranka, waxaanu ku dhaadanaynaa saxaafaddayada xorta ah ee na raad-guraysa ee xumaantayada toosinaysa, waxaanu ku dhaadanaynaa labadayada aqal ee Guurtida iyo wakiillada ee xukuumadda xakamaynaya ee ka qabanaya qaladka ay galaan, waxaanu ku faanaynaa garsoorkayaga madaxa bannaan ee madaxweynaha maxkamad saari kara ee qofkii qaldamaba dambigiisa ku qaadi karta, dhammaanba hay'adaha qarankana waxaan ka codsanayaa inaynu ku dedaalno caddaaladda iyo inaynu ku dedaallo inaynu hore u marino dawlad-wanaagga oo aynu dhammaanteen u wada guntanno dhibaatooyinka dalkeena haysta."
storvideo: 

Kooxo burcad ah oo dil iyo dhac ka geystay M/ Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan oo Burcad ah ayaa Duhurnimadii maanta dil iyo dhac ka geystay xarun ay Shirkadda Hormuud ku leedahay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Waxaana la sheegay in Kooxdaasi ay toogteen mid ka mid ah howlwadeenada Laanta Hormuud ay ku leedahay Nawaaxiga Buunda Koowaad ee degmadaasi Waabari.
Sidoo kalena waxaa ay xaruntaasi ka qaateen Lacago fara badan, sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Qof goobjooge ah.
Waxaana uu tilmaamay in goobta ay soo gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/dil.mp3
The post Kooxo burcad ah oo dil iyo dhac ka geystay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle.

Maamulka Banaadir oo sheegay in Muqdisho aan la...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Waaxda Faya-dhowrka ee Gobolka Benaadir u qaabilsan ka hor-tagga waxyaabaha dhacay iyo qiimaynta tayada Badeecadaha kana ka hawl-gasha Dekedda weyn ee Xamar ,ayaa maanta soo bandhigtay raashin iyo waadooyin uu waqtigeedu dhamaaday,taasoo ay ku wareejiyeen laamaha ammaanka si loo gubo.
Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta gobolka Benaadir, Marwo Basmo Caamir Shakeeti oo kormeer ku tagtay goobaha laga helay agabka dhacay ayaa sheegtay in dawladda hoose oo kaashanaysa hay'adaha ku shaqada leh iyo laamaha amniga ay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo magaalada soo gelinaysa alaabooyin dhacay.
"Waxaan kormeer ku tagnay Dekedda magaalada Muqdisho, si aan u baarno cabashooyin maalmahan halkaas naga soo gaarayay, baaritaan kadib, waxaan halkaas ka helnay hal kontaynar oo daawo dhacday ah kuna taariikhaysan, 2014-2016-2017. Sidoo kale, waxaan bakhaarka no.3 ku soo aragnay jawaano bur dhacay ku jiro kaas oo biyo ay soo gaareen, cid walba oo arrimahaas ku lug leh oo doonaysa in magaalada la galiyo badeeco dhacdayna tallaabo ayaan ka qaadaynaa". Ayay tiri Marwo Basmo Caaimir.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Basmo Caamir ayaa ganacsatada Soomaaliyeed fartay in eysan dib dambe u keenin dalka wax ayan naftooda u quurin, iyadoo xustay in laga baxay waqtigii fawdada uu dalku ku jiray, lana joogo xiligii isla xisaabtanka iyo dabagalka wax yaabaha dalka soo galaya.PUNTLAND POST
The post Maamulka Banaadir oo sheegay in Muqdisho aan la keeni karin Dawo iyo Raashin dhacay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live