Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Laba ka mid ah Telefishinada Kenya oo hawada dib ugu...

$
0
0

Laba ka mid ah telefishinada si gaarka ah loo leeyahay ee dalka Kenya ayaa dib u bilaabay howlahooda ka dib toddobo maalmood oo ay dowladda ku qasabtay in ay howlahooda joojiyaan.
Telefishinada kala ah NTV iyo KTN ayaa dib hawada ugu soo laabmay maanta galinkii dambe.
Balse waxaa wali hawada ka maqan oo aan dib howlihiisa u bilaabin TV-ga kale ee Citizen.
Howlaha saddexdan telefishin ayaa la joojiyay ka dib markii ay isku dayeen in ay tabiyaan xafladdii uu madaxwaynanimada isugu dhaarinayay siyaasiga mucaaradka Raila Odinga.
Dowladda Kenya ayaa ku tilmaamtay tillaabada telefishinadan in ay ahayd mid u dhiganta khiyaano qaran, waxa ayna iska dhagatirtay amar maxkamadeed oo ahaa in dib loo furo.

  1. Sawirro: Dadka Kenya oo cuntada la wadaagaya xoolaha
  2. Waa kuma Raila Odinga?
  3. Raila Odinga oo loo dhaariyay "madaxweynimo"

Mar sii horeysay oo maanta ah ayaa booliiska waxa ay isticmaaleen suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala cayriyaan dibadbaxayaal dowladda ugu baaqayay in telefishinadan ay dib u furto.
Ururada warbaahinta ee dalka Kenya ayaa cambaareeyay tillaabada dowladda ay ku xirtay telefishinadan.
storvideo: 


Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta gaaray...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Galgaduud (SONNA), Wafti ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta Gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Gamudug, waxaana ku wehlinayeyWasiirka Wasaarada Gadiidka, Duulista iyo Hawada Soomaaliya Mudane MaxamedCabdulahi Salaad Oomaar, Xubnahaan ka socday Qaramada Midoobay, ayaa waxaay kormeer ku tageen Meelo ka mid ah Magaalada Dhuusamareb kuwaas ooCalaamaysanayey Halkii ay ka dhisan lahaayeen Xarunta UN-ka ee Magaalada Dhuusamareb.
Sh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Golaha Wasiirada Dowlad goboleedka Galmudug oo Waftigaan ku soo dhoweeey Magaaladda Dhuusamareb ayaa ugu baaqay inay wax kaqabtaan Maamulka Galmudug si loo hormariyo Adeegyada BulshadaDeegaanada Maamulkaasi.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Gadiidka, Duulista iyo Hawada Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulahi Salaad Oomaar, ayaa waxa uu balan qaaday inay wax ka qaban doonaan dhismaha iyo Qalabaynta Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareb, waxuuna xusay inay dib u dayactir ku samayn doonaan Xaruntii Wasaaradda Gadiidka, Duulista iyo Hawada Soomaaliya Qaybteeda Gobolka Galgaduud, kuna taala Magaalada Dhuusamareb.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo maanta furay Shirka Golaha Amniga Qaranka

storvideo: 

Mayor Eng Yarisow “We must improve the quality of...

$
0
0

HE Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), the Mayor of Mogadishu & Governor of Benadir Region today received in his office the Deputy SRSG Mr. Peter de Clercq, Resident and Humanitarian Coordinator for Somalia, Professor Walter Kaelin Special Advisor on Internal Displacement, and Representatives from the World Bank to discuss humanitarian efforts in Mogadishu and Durable [...]
storvideo: 

Geelle Iyo Abul Qeyd oo Jabuuti ku Kulmay

$
0
0

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kullamo la yeeshay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Qeyd, oo booqasho ku tagay dalka Jabuuti iyagoo ka wada hadlay dhaqaalaha, iyo ammaanka gobolka geeska Afrika.

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo Maanta gaaray...

$
0
0

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta Gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Gamudug, waxaana ku wehlinayey Wasiirka Wasaarada Gadiidka, Duulista iyo Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Salaad Oomaar, Xubnahaan ka socday Qaramada Midoobay, ayaa waxa ay kormeer ku tageen Meelo ka mid ah Magaalada Dhuusamareb kuwaas oo Calaamaysanayey Halkii ay ka dhisan lahaayeen Xarunta UN-ka [...]
storvideo: 

Nin Loo Heysto Qarixii 14-kii October oo Dil Lagu Xakumay

$
0
0

Maxkamad milatari, ayaa maanta gudaha Muqdisho xukun dil ah ku xukuntay Xasan Aadan Isaaq, oo ku eedeysnaa inuu madax ka ahaa kooxdii fulisay weerarkii Zobe ee 14-kii Bishii October ee sanadkii hore ka dhacay magaalada Mqudisho.

Geelle Iyo Abul Qeyd oo Jabuuti ku Kulmay

$
0
0

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kullamo la yeeshay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Qeyd, oo booqasho ku tagay dalka Jabuuti iyagoo ka wada hadlay dhaqaalaha, iyo ammaanka gobolka geeska Afrika.
Xuseen Saxnuuni Cusmaan Xuseen ayaa warbixintan ka soo diray Qaahira.

Embed code
Copy and paste the embed code below.
The code has been copied to your clipboard.
0:01:50
0:00:00 /0:01:50
Direct link
Pop-out player
storvideo: 

Safiirka Imaaraadka oo la kulmay la-taliyaha Amniga...

$
0
0

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,Mohammed Ahmed Othman Al Hammad ayaa la kulmay la-taliyaha cusub ee Amniga Qaranka Soomaaliya,Abdi Said Ali,sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ENA.
Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay xiriirka laba-geesoodka ah iyo habka xoojinta iyo horumarinta danaha labada dal,sida ku xusan qoraalka Wakaaladda.
danjire.Al Hammadi ayaa ugu hambalyeeyay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya xilka cusub ee loo dhiibay,wuxuuna u rajeeyey in uu ku guulaysto waajibka loo igmaday.
Dhankiisa la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya,Abdi Said Ali ayaa Imaaraadka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dhinacyada badan ee ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale kaalinta ay ku leedahay dhismaha ciidanka Xoogga dalka.Xigasho:-Emirates News Agency
PUNTLAND POST
The post Safiirka Imaaraadka oo la kulmay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Warbaahinta Jamhuuriyada Somaliland waxa waajib...

$
0
0

Warbaahinta dalka laga leeyahay
Dhamaan warbaahinta jsl waxaan leeyahay iga gudooma salaan iyo qadarin. Waxa ii raaca arrin dhamaanteen waajib inagu ah gaarna xil idinka saaranyahay inaan idin tusaaleeyo.Kaas oo ah:1.Joojinta qabyaalada.2.Adeegsiga erayada afafka qalaad.
Shacabka jsl waxuu ka soo hor jeedaa oo uu diidanyahay ku dhaqanka Qabyaalada.Waxaynu ka dheregsanahay sannadahii ugu danbeeyay qabyaaladu inay xadhkaha goosatay,weliba ay ku milantay siyaasadii,iyo ganacsigiiba oo ay noqotay wejiyo badan.Waxaanay abuurtay inuu shacabkukala fogaado.Waxay shacabka ka lumisay kalsoonidii xukuumada.Markay QABYAALADU halkaa inala marayso cid walibana doonayso in la damiyo,madaxweynahuna ku dadaalaayo la dagaalanka qabyaalada shacabka kala qoqobtay waxa WARBAAHINTA JSL xil culus ka saaranyahay inay joojiyaan duubista iyo faafinta cid kasta oo ku hadlaysa af beelaysan oo dab ku sii hurinaaya qabyaalada.Waa ayaan darro maalin walba inaan warbaahinta dalka ku arko ama ka dhegaysto muwaadiniyiin ku hadlaysa magac qabiil ama beel,madaxdhaqameed ku hanjabaaya af qabiil ama beelaysan.Arrinka labaad ee toosinta u baahani waxa weeye Af-keena Somaligu waa hodan hadana waxaan dareemayaa WARBAAHINTA JSL inay ka sii durkayso adeegsiga afkeena.Halkaana waxay dhibaato ka soo gaadhaysaa dhalinyarada oo ah kuwa ugu tirada badan dalka oo iyagu aan sooba gaadhin erayo badan oo maanta aan laba adeegsan.Sidaa darteed WARBAAHINTA JSL waxa looga baahanyahay inay xoog saarto adeegsiga erayada afkeena hooyo.Waxaan rumays-nahay Warbaahintu inay tahay awooda 4aad ee hogaanka dalkaiyo baraha 2aad ee bulshada gaar ahaan dhalinyarada, waana hagaha 1aad ee shacabka.
Allaa Mahad Leh.Uf anaa leh qabyaalada.
Xuseen Xasan Badmaax
4026100
Hargeysa/JSL
storvideo: 

Qarax iyo Rasaas Laga Maqlay Boosaaso

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas culus laga maqlay badhtmaha magaalada.

Gudoomiyaha Maxkamada dunida oo noqday Garsoore...

$
0
0

Maxakamada Caalamiga ee Cadaalada ee afka Ingriiska loo yaqaan International Court of Justice oo ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa manta waxay yeelatey Madaxweyne cusub. Maxakamadaan oo ay hoos timaado Qaraamada Midoobey ayaa saddexdii sanno hal mar ayey waxay doorata Madaxweyne. Madaxweynahaas oo laga soo dhex doorta Garsoorayaasha dhexdooda, waxaana loo doorta shakhsiga hela aqalabiyada codadka Garsoorayaasha Maxakamadu, doorashaduna waa qarsoodi (secret ballot).
Garsoore Abdulqawi oo manta ka hor ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maxkamada ayaa Garsoorayaasha Maxkamada u garteen inuu yahay shakhsi hadda u qalma inuu Maxkamada ka noqodo Madaweyne.
Judge Abdulqawi waa garsoore Caalami ah oo Addunyada aad looga yaqaan. Wuxuu mas'uuliyad kala dudwan ka soo qabtey UNESCO, UNIDO, iyo UNCTAD intuusan ku soo biirin Maxkamada Caalamiga ee Cadaalada February 6, 2009. Judge Abdulqawi wuxuu ka soo baxey Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdishu. Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland.
Judge Abdulqawi wuxuu Guest Professor ka yahay Jaamacado ku yaal Switzerland, Italy, Greece iyo Fransiska.
Safiirka Soomaliya ee Wadamada Benelux iyo Midowga Europe Danjire Dr. Cali Saciid Faqi ayaa doorasha Garsoore Abdulqawi ku tilmaamay inay tahay magac iyo sharaf weyn u soo hooyatey ummada Soomaliyeed.
Kalsoonida buuxda ee Garsoorayaasha Maxkamada ay siiyeen waxay muujineysa kartida aqoontiisa iyo kalsoonida ay ku qabaan saaxiibkooda ayuu yiri safiirka.
"Aniga oo ku hadlayo magaca Madaxweynaha iyo Xukuumada Soomaliyeed, waxaan halkaan hambalyo uga diraya Garsoore Abdulqawi Yusuf, Xaaskiisa iyo dhamaan Caruurtiisa, waxaan leeyahay ilaah ha kula garab galo Mas'uuliyada lagu doortey" ayuu yiri danjire Dr. Cali Saciid Faqi
Sidoo kale somalisan.com iyo dhamaan akhristayaasheeda waxay halkaan hambalyo ugu dirayaan Garsoore Abdulqawi Yusuf. Waxaanu leenahay Guul.
Share this:
Related
storvideo: 

Daawo Sawirro Qurux badan oo laga soo qaaday qaabka...

$
0
0

Sida aan horayba u sheegnay Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka Golaha Amniga Qaranka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka guddoominayey waxaana qodobada looga hadlaayay ka mid ah, xasillinta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta hay'adaha amniga ee heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.
Shirka Golaha Amniga Qaranka oo noqonaya midkii 6-aad oo Goluhu yeesho tan iyo markii lagu dhawaaqay, ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida oo ka mid ah Golaha Amniga Qaranka ayaa shirka ka qeybgalay.

storvideo: 

Daawo/ Mucjiso: Mudaaharaadayaal Reer Filistiin ah...

$
0
0

Daawo/ Mucjiso: Mudaaharaadayaal Reer Filistiin ah Oo Dhagax Ku Hurgufay Ciidamada Israaiiliyiinta Iyo Jabkii kala Qabsaday Labada Dhinac
storvideo: 

Xaalka Jacob Zuma oo aan cago badan ku taagnayn

$
0
0

Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa dib u dhigay khudbad ay ahayd in madaxweyne Jacob Zuma uu kula hadlo shacabka dalkaasi.
Tillaabadani ayaa muujinaysa sida xilka madaxweyne Zuma uu u sii daciifayo iyo waliba kalsooni la'aanta uu Zuma kala kulmay ANC dhexdeeda
Mas'uuliyiin sar sare oo xisbiga ANC ka tirsan ayaa doonaya inuu xilka kadego madaxweyne Jacob Zuma oo culaysku uu ku sii kordhayo
Balse Jacob Zuma ayaa ka cagajiidaya inuu xilka ka dego. Xarunta Nelson Mandela ayaa sidoo kale ku talo bixisay in Mr Zuma uusan u qalmin inuu xilka sii hayo. Isla markaasina uu waxyeeleeyey aaminaada shacabka Koonfur Africa.
Jacob Zuma ayaa mudo dheerba waxaa lagu eedaynayay arrimo la xiriira musuqmaasuqa iyo waxisdabamarin.
Xisbiga taladda dalkaasi haya ee ANC ayaa mudaba waxaa ka dhextaagnaa khilaaf la xiriira eedaha la soo jeediyay ee loo haysto Jacob Zuma.
Sidoo kale doorashadii dhowaanta ka dhexdhacday xisbiga ayaa saamayn weyn ku keentay xaaladda mustaqbal ee madaxweyne Jacob Zuma
storvideo: 

Dad weli laga raadinaya burburka dhulgariirka ka dhacay Taiwan

$
0
0

Dhulgariir xoogan oo ka dhacay Taiwan ayaa waxaa ku dhintay labo qof waxaana ku dhaawacmay dad ka badan boqol qof.


Dad weli laga raadinaya burburka dhulgariirka ka...

$
0
0

Dhulgariir xoogan oo ka dhacay dalka Taiwan ayaa waxaa ku dhintay labo qof waxaana ku dhaawacmay dad ka badan boqol qof.
Cabirka dhulgariirkan ayaa lagu sheegay inuu gaarayo 6.4 waxuuna ka dhacay meel 20-KM u jirta jasiirada xeebaha bari.
Dadka wax badbaadiyay ayaa weli baarraya dad la sheegay inay ku hoos jirraan guryaha burburay iyo hoteeladda.
Sawirqaadayaasha ayaa muujinaya burburka guryaha dumay iyo qasaaro weyn oo soo gaaray wadooyinka deegaanadaasi ka agdhow.
Qaybta hoose ee hotelka Marshal ayaa la aaminsan yahay inay ku jirraan sadax shaqaalaha ka mid ah oo halkaasi ku xayiran
Qof goobjooge ah ayaa sheegaya inuu arkay iftiin hotelka burburay gudihiisa ka baxaya. Dad ayaana ku hoos jira ayuu raaciyay burburka hotelka.
Dad haysta telefoonada gacanta ayaa shidaya iftiin ay ku muujinayaa halka ay kaga jirraan burburka dhismaha si loo ogaado.
Ilaa dad gaaraya 28 qof ayaa la soo badbaadiyay ilaa iyo hadda oo laga soo saarray burburka dhismayaasha.
Dadka ka qaybqaadanaya gargaarkan waxaa ka mid ah ciidanka oo si degdeg ah loogu yeerray.
storvideo: 

War deg deg ah ciidamada Gaashaman oo caawa dhoolus...

$
0
0

War deg deg ah ciidamada Gaashaman oo caawa dhoolus milatari ka sameeyey duleedka Muqdisho iyo dad badan oo
Feb 6, 2018 -
Ciidamada Sida Gaarka u Tababaran ee Gaashaan ayaa caawa Dabrid Ka Sameynaya Deegaanka Ceelmacaan ee Duleedka Bari ee Magaalada Mogadishu, Iyadoo Laamaha Ammaanka ay Ku Wargaliyeen Dadweynaha in aysan ka Qal-qalin Dabridkaas.
Dhawaqa Rasaasta ayaa laga maqlayaa qeybo kamid ah magaalda Muqdisho, Waxayna saraakiisha Laamaha Ammaanku sheegeen in uusan jirin wax iska hor imaadyo ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, dadweynaha gobalka Banaadirna ay ku boorrinayaan in ay isdajiyaan
Dadka ayaa maqalay jugta cul culus ay ridayaan ciidamada dhoola tuska sameeynayo taa oo wal wal iyo cabsi badan ku abuurtay dad badan oo shacab ah oo ku noolaa magaalada Muqdiaho
Wakalada Wararka Sonna Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Somali forces clash with Al-Shabaab militants in central Somalia

$
0
0

At least two people were killed on Tuesday in clashes between the Somalia National Army (SNA) and suspected al-Shabaab militants in Jalalaqsi town in Hiiraan region of central Somalia, officials said.
Jalalaqsi District Commissioner Mohamed Abdulle Fidow said fighting erupted after the insurgents attacked a police station.
“Terrorist militants attacked police station in the town and our forces resisted and pushed them back,” he said. “One soldier and a civilian were killed during the attack.”
“They (militants) fled with their casualties. The situation is normal now,” Fidow said.
Al-Shabaab militants claimed that they got into the house of the head of taxes of Jalalaqsi town and killed one of his bodyguards.
Also on Tuesday, a militant was killed when an improvised device he was planting exploded near Beledweyne town in the same region.
The post Somali forces clash with Al-Shabaab militants in central Somalia appeared first on Shabelle.

Somali forces clash with Al-Shabaab militants in...

$
0
0

At least two people were killed on Tuesday in clashes between the Somalia National Army (SNA) and suspected al-Shabaab militants in Jalalaqsi town in Hiiraan region of central Somalia, officials said.
Jalalaqsi District Commissioner Mohamed Abdulle Fidow said fighting erupted after the insurgents attacked a police station.
"Terrorist militants attacked police station in the town and our forces resisted and pushed them back," he said. "One soldier and a civilian were killed during the attack."
"They (militants) fled with their casualties. The situation is normal now," Fidow said.
Al-Shabaab militants claimed that they got into the house of the head of taxes of Jalalaqsi town and killed one of his bodyguards.
Also on Tuesday, a militant was killed when an improvised device he was planting exploded near Beledweyne town in the same region.
storvideo: 

La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo oo kulan...

$
0
0

La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmaajo oo kulan qarsoodi la yeeshay Safiirka Imaaraadka
Feb 6, 2018 -
La Taliyaha Amniga ee Madaxweyne Cabdisaciid Muuse Cali ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cusmaan Al Xamaadi, kulankan ayaa ka dhacay xarunta Safaaradda ku leedahay magaalada Muqdisho.
Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka Carabta Safiirka Imaaraadka Carabta ayaa ugu horeyn la Taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay.
Waxaa kulanka looga hadlay xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhanka ammaanka, waxaana La Taliyaha uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta taageerada ay siiyaan Ciidamada Soomaaliya iyo tababarada ay ku siiyaan xaruntooda Muqdisho.
Kulanka Safiirka iyo La Taliyaha Amniga Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan uu La Taliyaha Amniga soo saaray amar ku wajahnaa Taliska Ciidanka xoogga dalka oo ku saabsanaa in aan hub laga saari karin Keydka Hubka, inta tirakoob sax ah laga sameynaayo
Xigasho page ka wadani Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live