Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dhageyso: Warbixin ku saabsan shaqada Garoonka...

$
0
0

27 ka dib ayaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cade ayaa xili habeenkii ah ayaa waxaa ka duushay diyaarad Rakaab ah ayna raaceen Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Garoonka diyaaradaha ee Magaalaga Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa Bilihii lasoo dhaafay waxaa lagu waday dibu casriyayn kaasoo ku aadan diyaaradaha rakaabka [...]
storvideo: 


Sawirro+Madaxweyne Waare oo Muqdisho kula kulmay...

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirsahebeelle Dr; Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka hoose iyo sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda dhexe. Madaxweynaha iyo Xildhibaannada ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo howlaha horyaalla maamulka Hirshabeelle iyo Sida ay [...]
storvideo: 

Hooyo afarteeda wiil ku weysay dagaal

$
0
0

Waxay yiraahdaan dagaal wiil kuma dhashee waa uu ku dhintaa, dabcan wiilkaasi dhimashadiisa xanuunka ugu badan waxa uu ku dhacaa hooyadii dhashay.
Maxaase ka xanuun badan hooyo afartii wiil ee ay dhashay ku waysay dagaal?.
Magaceedu waa Umu Riyaad, waxa ay ku nooshahay magaalada Tacis ee dalka Yemen, qisadeedana waxa ay murugo galisay qof kasta oo magaaladaas degen.
Muddo saddex sano ah ayay Umu Riyaadh ku weysay afarteeda wiil dagaalada ka socda dalkaas.
Kii ugu dambeeyay eeka dhintay waxa uu ahaa Muuse, oo ay dileen kooxda xuutiyaanta isaga oo ku jira furunta dagaalka.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Maalin kasta oo jimco ah, guriga waxaa la diyaarin jiray qado gaar ah, iyada oo Ummu Riyaadh iyo wiilasheeda 10-ka ah, gabdhaha ay sodohda u tahay iyo ilmaha ay ayayda u tahay ay dhammaan markaliya guriga ka wada qadayn jireen.
Wuxuu ahaa guri aad looga faraxsanyahay, jawigana yahay mid markasta u muuqda in uu dabaaldeg jiro.
Balse geerida waxa ay bilaabatay sanadkii 2015-kii, xiligaas oo rabshadaha ka jira Yemen ay sii kordheen. Kadib markii xulufada Sucuudiga oo taageeraya xukuumadda madaxweyne Cabdu Raboow Al Haadi Mansuur ay weeraro cir iyo dhul ah ku bilaabeen kooxda Xuutiyiinta oo qabsaday magaalada caasimadda ah ee Sanca iyo meelo kale.
Sadexdii sano ee lasoo dhaafay Ummu Riyaadh waxaa laga dilay wiilasha kala ah Taha, Riyaadh, Kamaal iyo Muuse.
Magaalada Taciis waa meel ay dhibaato badan ka jirto, dagaaladana ay aad u saameeyeen, waxaa guriga Ummu Riyaadh booqday saraakiil ka socota maamulka, kuwaas oo uga tacsiyeeyay dhibaatada soo gaartay, uguna hambalyeeyay qiimaha adag ee kaga baxay difaaca magaalada.
Xuutiyaanta ayaa go'doomiyay magaaladan kadib markii dagaal looga saaray magaalada. Waxa ay u diideen in uu gaaro gargaarka iyo badeecooyinka.
Illaa 600,000 kun qof ayaa magaalada isaga qaxay, waxayna u egtahay magaalo laga guuray oo kale.
Wiilasha laga dilay waxaa ku jira curadkeedii oo ah Riyaadh iyo gura dambeyskii oo Taha.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Kiiska Qalbi dhagax 

$
0
0


Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ay dowladda Soomaaliya u dhiibtay dowladda Itoobiya.
Madaxweynaha oo la weydiiyay Su'aal ku aadan sababta lagu dhiibay Qalbi dhagax ayaa waxaa uu ku gaabsaday go'aankii ay ka gaareen arintaasi Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in arinta Qalbi dhagax Hay'adda Sharci dejinta ee dalka ugu sarreysa in ay ka gaartay Go'aan, islamarkaana go'aankaasi uu yahay midka ugu dambeeya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku gaabisay in Kiiska Qalbi dhagax uu soo dhamaaday, islamarkaana ay tahay mid ay u codeeyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay jahwareer badan kala kulantay dhiibiistii Cabdikariin Sheekh Qalbi dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Jamhadda ONLF ee kasoo horjeedda dowladda Itoobiya.
storvideo: 

Daawo: ” Waxaad Moodaa Qaar Debaha ku maqan oo...

$
0
0

Daawo:" Waxaad Moodaa Qaar Debaha ku maqan oo Caydha Qaataa ama Suuliyada Masaxaa In ay ina Rogayaan ... Waa in Fiican looga hadlayaa yarkii yidhi Aabay Abtiyo Daa" Gudoomiyaha Awal Galbeed Oo Baaq nabadeed u diray Shaqaaqada Dararweyne
[embedded content]
storvideo: 

Daaw: Madaxweyne Kimka North Kooriya Oo Walaashii Ay...

$
0
0

Daaw: Madaxweyne Kimka North Kooriya Oo Walaashii Ay Booqatay South Kooriya Iyadoo Sidii Madaxweynayaasha Aduunka Loo ilaalinaayo
storvideo: 

 Senetarada Mareykanka oo mar kale ku fashilmay in...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Waaxyaha dowladda Mareykan ayaa markii labaad sanadkaan si rasmi ah u joojiyay shaqadoodii kaddib markii Aqalka sare ee dalkaasi ay u suurtageli weyday in ay ansixiyaan hindisaha miisaaniyadda dowladda.
Odoyasha Aqalka Mareykanka ayaa habeenimadii xalay ka dooday muranka la xiriira u codeynta miisaaniyadda,waxaana suurtagal ah in qadiyaddaasi laga heshiiyo saacadaha soo socda.
Xildhibaanada ayaa dadaal ugu jira sidii ay uga guuleysan lahaayeen daqiiqadihii ugu dambeeyay Rand Paul oo ka tirsan Jamhuuriga ,isla markaana ka horjeeda hindisaha u codeynta miisaaniyadda cusub oo uu ku dhaliilay in qorshaha la soo gudbiyay ay xad gudub ku tahay ballan-qaadyo hore oo ahaa in la xoojiyo kharashka dowladda.
Wadahadallo ayaa weli socda,waxaana la filayaa in wax laga badallo muranka la xiriira miisaaniyadda,gaar ahaan qorshaha lacagaha ku baxaya Difaaca iyo shaqooyinka gudaha dalka Mareykanka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleErgo ka socota W/Kuuriya oo loo ogolaaday ka qeybgalka Ciyaaraha Olympikada oo ay martigelinayso K/kuuriya

storvideo: 

Faah Faahinno ka soo baxaya weerar ka dhacay duleedka degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari.

$
0
0

Wajeer ( Sh. M. Network):-Wararka laga helayo degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari  ayaa sheegaya in dagaalyahanno Hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin deegaan hoostaga degmadaasi Wajeer.
Waxaana Saraakiil ka tirsan Booliska Kenya ay sheegeen in Al Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen Saldhigaasi iyadoona halkaas ay Rasaas xoogan isku weedaarsadeen Ciidamada dalka Kenya iyo weliba Dagaalyahanada Al Shabaab.
Ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi ka dhacay deegaanka Batula ee hoostaga degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari.
 
The post Faah Faahinno ka soo baxaya weerar ka dhacay duleedka degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari. appeared first on Shabelle.


Dhageyso Barnaamijka Maxaa ka run ah wixii la sheegay?

Dukaanka ‘If iyo Aakhiro’ ee Jig Jiga oo lagu iibiyo labiska dadka dhintay

$
0
0

Waxaa jira dukaan aadan waligaa arag noociisa oo kale oo laga furay magaalada Jig Jiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.

Awaamiir ku aadan Ammaanka Caabudwaaq oo lagu soo roogay Shacabka Magaaladaasi.

$
0
0

Caabudwaaq ( Sh. M. Network):-Guddiga Guurtida Galmudug ayaa Awaamiir ka soo saaray xiisado ka taagnaa Waqooyiga Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Caabudwaaq iyo deegaanada hoostaga.
Waxaana Guddigaasi Guuriga ay isku raaceen arrimo ku aadan dhinaca Ammaanka iyagoona soo saaray awaamiir ku qotoma  xasiloonida Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Awaamiirta ay soo saareen waxaa ka mid ah Guddigaasi in Ammaanka Magaalada Caabudwaaq si kooban loogu wareejiyo Ciidamo Isku dhaf ah  oo leh Talis Mideysan.
In Magaalada Laga saaro Ciidamada kale ee Hubeysan loona celiyo Saldhigyadoodii ka baxsanaa Magaalada Caabudwaaq.
In Magaalada Caabudwaaq ay tahay Goob ka caagan Hub Sharci darro ah oo aan ku jirin gacanta Ciidanka Loo Igmaday Xasilinta Magaalada Caabudwaaq.
In Ciidamada Xasilinta Caabudwaaq Amar buuxa loo siiyay in ay qabtaan qof kasta oo hubeysan oo aan ku jirin Ciidamada Xasilinta Magaalada Caabudwaaq.
Qodobadaasi iyo kuwa kale ayey soo saareen Guddiga Guurtida Galmudug ee ku aadanaa ammaanka Magaalada Caabudwaaq.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo booqashadiisii deegaanada Galmudug ku tagay degmada Caabudwaaq ayaa heshiis kala dhex dhigay Beelo Walaalo ah oo xurguf ay ku dhexmartay Magaaladaasi.
The post Awaamiir ku aadan Ammaanka Caabudwaaq oo lagu soo roogay Shacabka Magaaladaasi. appeared first on Shabelle.

Dukaanka ‘If iyo Aakhiro’ ee Jig Jiga oo lagu iibiyo...

$
0
0

Waxaa jira dukaan aadan waligaa arag noociisa oo kale oo laga furay magaalada Jig Jiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida sida uu kusoo waramayo wariyaha BBC-da ee halkaas Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.
Ma ahan dukaan aad badeecadiisa isticmaali kartid adiga oo nool, balse waa mid qof kasta oo dadka ka mid ah uu qirsanyahay in maalin uun uu u baahan doono.
Dukaanka waxaa lagu magacaabaa If iyo Aakhiro, waxaana iska leh haweenay lagu magacaabo Xaliimo Muxumed oo u warantay BBC-da "Anagu dharkii aakhiro ayaan meesha ku gadnaa, dad baa nagu yiri hiddo iyo dhaqanka ku dara, kuma dari karo ayaan iri, aakhiro iyo adduun isma garab galin karo ayaan iri, waxaa naloogu soo hagaagayaa labiskii aakhiro".
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dadka qaar marka ay boorka arkaan waa ay ka cararaan, kuwa kalane aagga uu ku yaala maba soo maraan cabsi ay ka qabaan geerida awgeed.
Balse waxaa jira dad dukaankan soo dugaashada sida Xasan Sheekh Muxumed oo yiri "If iyo Aakhiro ayaan hor joognaa, mana aanan arag hadda ka hor wax magacan ku qorta, dadkuna waa safar oo maalin kasta qof ayuu tigidka u go'anyahay, --- Aniga habeen iyo maalinba Illaahay agtiisa u dhowoow ayaan isleeyahay".
Waxaa jirta meherad shaah lagu iibiyo oo dukaanka ka ag dhow, gabadha lehna waxa ay sheegtay in dadka qaarkoodna ay shaaha ka iibsadaan, qaarna ay ka tagaan marka ay arkaan boorka dukaanka.
Waxyaabaha Dukaanka lagu iibiyo
Dukaanka waxaa lagu iibiyaa kafanta iyada oo cabirro kala duwan ah, kuwaas oo loo tolo hadba dalabka qofka iibsanaya, iyada oo lagu jaangoynayo dhererka meydka, iyo baaxadda jirkiisa, tusaale haddii uu ilmo yar yahay iyo haddii uu qof weynyahay, in uu dheeryahay iyo in uu gaabanyahay.
Waxaa kale oo lagu iibiyaa sheey gacmaha la gashto marka meydka la dhaqayo, iyo sidoo kale waxyaabaha lagu carfiyo meydka sida catarka, uursi iyo waliba fooxa.
Waxaa jira sidoo kale kabo loogu talogalay in lala galo qolka meydka iyo koofiyado la xirto.
storvideo: 

Awaamiir ku aadan Ammaanka Caabudwaaq oo lagu soo...

$
0
0

Caabudwaaq ( Sh. M. Network):-Guddiga Guurtida Galmudug ayaa Awaamiir ka soo saaray xiisado ka taagnaa Waqooyiga Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Caabudwaaq iyo deegaanada hoostaga.
Waxaana Guddigaasi Guuriga ay isku raaceen arrimo ku aadan dhinaca Ammaanka iyagoona soo saaray awaamiir ku qotoma xasiloonida Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Awaamiirta ay soo saareen waxaa ka mid ah Guddigaasi in Ammaanka Magaalada Caabudwaaq si kooban loogu wareejiyo Ciidamo Isku dhaf ah oo leh Talis Mideysan.
In Magaalada Laga saaro Ciidamada kale ee Hubeysan loona celiyo Saldhigyadoodii ka baxsanaa Magaalada Caabudwaaq.
In Magaalada Caabudwaaq ay tahay Goob ka caagan Hub Sharci darro ah oo aan ku jirin gacanta Ciidanka Loo Igmaday Xasilinta Magaalada Caabudwaaq.
In Ciidamada Xasilinta Caabudwaaq Amar buuxa loo siiyay in ay qabtaan qof kasta oo hubeysan oo aan ku jirin Ciidamada Xasilinta Magaalada Caabudwaaq.
Qodobadaasi iyo kuwa kale ayey soo saareen Guddiga Guurtida Galmudug ee ku aadanaa ammaanka Magaalada Caabudwaaq.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo booqashadiisii deegaanada Galmudug ku tagay degmada Caabudwaaq ayaa heshiis kala dhex dhigay Beelo Walaalo ah oo xurguf ay ku dhexmartay Magaaladaasi.
storvideo: 

Al shabaab carries out a massive attack in Kenya

$
0
0

Security forces have repulsed an attack by suspected Al-Shabaab militants at Special Forces Camp in Kutulo, Wajir County commander Stephen Ngetich has said.

Mr Ng’etich said the attackers invaded the Special forces camp at around 8pm, resulting into a one and a half hours gun battle that ended with the assailants retreating.

“We are waiting for confirmation of the extent of the damage and also if there were any casualties.”

The force is a combination of elite officers drawn from the Administration Police, mainly the Rapid Deployment Unit, and Regular Police.

Early last month, Shabaab destroyed a mast belonging to telecommunications firm Safaricom, paralysing communication.

The post Al shabaab carries out a massive attack in Kenya appeared first on Shabelle.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo Newyorka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Newyork(SONNA) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb, Ahmed Isse Awad ayaa magaalada New-yorka ee dalka Mareykanka kula kulamay u qaabilsanayaasha QM wadamada Chine, Russia & Kuweit oo eey ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirada iskaashi ee ka dhexeeya dalka Soomaaliyada iyo wadamadooda.
Kulamadan oo si gaar-gaar ah ula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Ahmed Isse Awad wakiilada QM ujoogo New-yorka Sida Chine H.E. Amb. MA Zhaoxu, Rusia H.E. Amb. Vasily Nebenzya iyo safiirka dowladda Kuweit H.E. Mansour Al-Otaibi ayaa waxa uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeyo Soomaaliya, kulamada wasiirka waxaa sidoo kale ku wehliya u qaabilsanah QM ee Soomaaliya Amb, Abukar Osman (Baale).
Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii loo soo celin lahaa xiriirkii kala dhexeeyay ka hor but-burkii dowladnimada, waxaana Madaxweyne Farmaajo wax-yaabaha uu ballan qaaday kamid ahaa in uu dhisi doono xiriir ku dhisan ixtiraam & iskaashi.
Xukuumadda ra'isul wasaare Kheyre oo fulineysa ballan-qaadyadii Madaxweyne Farmaajo ayaa waddo dadaal xoogan oo ku aadan xiriirka eey Soomaaliya la yeelaneyso wadamada kale.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous article Senetarada Mareykanka oo mar kale ku fashilmay in ay u codeeyaan miisaaniyadda
Next articleDibadbax Nabaddeed oo ka dhacay Caabudwaaq+Sawirro

storvideo: 


Dibadbax Nabaddeed oo ka dhacay Caabudwaaq+Sawirro

$
0
0

Caabudwaaq(SONNA):-Bananbax loogu magac daray Daahfurka Maalinta Nabadda ayaa ka dhacay magaalada Caabudwaaq.
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo uu hogaaminayo Madaxa Golaha xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ayaa ka qeybgalay dibadbaxaasi, kuwaa soo u yimid Magaalada Cabuudwaaq, inay la wadaagaan bulshada ku dhaqan Degmadaasi farxadda iyo kala qayb galka daah furka Nabadda.
Isu soo bax ay ku muujinayaan jacaylka ay u qabaan Nabadda ayaa magaalada ka qabsoomay, waxaana uu bilowday dadaaalka Nabad raadinta Caabudwaaq markii uu socdaalka ku tagay dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi "Farmaajo" isagoona ugu baaqay in loo saldhigo Nabadda si horumar loo gaaro waxaana uu sameeyay Guddi uu u xilsaaray ka miro dhalinta heshiiska
Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi oo ugu horayn ka hadlay taallada loo asteeyay Nabadda oo banaanbaxu ka dhacay ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan Cabuudwaaq ay hormuud u yihiin nabadda iyo horumarka isagoo tilmaamay in dibadbaxani ay bulshadu ku muujinayeen jaceylka ay u qabaan nabadda iyo dowladnimada.
Axmed Maxamed Caafi oo ka mid ah gudi Dawlada dhexe ee dalka ay u wakiilatay xasilinta Degmada Cabudwaaq ayaa goobta isu soo baxa waxaa uu ka soo jeediyay waxa u qabsoomay intii ay ku guda jireen arinta xasilinta degmada Caabudwaaq, isagoo ku amaanay reer Cabuudwaaq sida ay ugu bisilyihiin nabadda iyo nidaamka dowliga ah.
Soo jeedinta go'aanka xasilinta ee gudiga kadib waxaa si wada jira u taageeyay qodobada qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Ugaas Axmed Bari Cali oo tilmaamay iney bulshadu qaadatay nabadda,
Ugu dambeyn Madaxa xukuumada Dawlad Goboleedka Galmudug Sheekh Axmed Shaakir ayaa sheegay in Galmudug ay aqbashay go'aanka gudiga xasilinta dhagan galkiisana ay diyaar u yihiin wuxuuna ka dalbaday bulshada reer Galmudug iney qaataan nabadda maamulkana kala shaqeeyaan arrimaha nabaddaynta iyo horumarka.
storvideo: 

Somali Federal government to resume talks with Somaliland

$
0
0

Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has announced that his Federal government is committed to resume the talks the northern breakaway republic, Somaliland.
Speaking to BBC Somali talk show on Thursday night, Farmajo said the resumption of the stalled talk is key to the Somali unity.
The president, however, did not disclose the date of the talks to begin, and where it will take place.
Somaliland declared seccesion from Somalia in 1991 but it has not so far obtained an international recognision.
The sides have in the past held talks abroad despite no compresensive agreement reached on the touching issues.
The post Somali Federal government to resume talks with Somaliland appeared first on Shabelle.

Xaalufinta Dhirta oo ka bilaabatay deegaano ka...

$
0
0

Ceel Waaq ( Sh. M. Network )-Waxaa si xoogan Xaalufinta Dhirta looga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Gedo, iyadoona la arkayo dhalinyaro xaalufin ku haya Dhirta ku taalla Tuulooyin iyo deegaano hoos yimaada magaalada Ceel Waaq ee gobolkaasi.
Aadan Daa'uud oo ka mid ah Xoolo Dhaqatada deegaanadaas ayaa sheegay in xaalufinta dhirta ay saameyn ku yeelatay, islamarkaana si weyn looga dareemayo gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Waxaana ugu baaqay madaxda maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan arrimahaasi.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/dhirta-1.mp3
storvideo: 

Somali Federal government to resume talks with...

$
0
0

Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has announced that his Federal government is committed to resume the talks the northern breakaway republic, Somaliland.
Speaking to BBC Somali talk show on Thursday night, Farmajo said the resumption of the stalled talk is key to the Somali unity.
The president, however, did not disclose the date of the talks to begin, and where it will take place.
Somaliland declared seccesion from Somalia in 1991 but it has not so far obtained an international recognision.
The sides have in the past held talks abroad despite no compresensive agreement reached on the touching issues.
storvideo: 

Xaalufinta Dhirta oo ka bilaabatay deegaano ka tirsan G/ Gedo

$
0
0

Ceel Waaq ( Sh. M. Network )-Waxaa si xoogan Xaalufinta Dhirta looga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Gedo, iyadoona la arkayo dhalinyaro xaalufin ku haya Dhirta ku taalla Tuulooyin iyo deegaano hoos yimaada magaalada Ceel Waaq ee gobolkaasi.
Aadan Daa’uud oo ka mid ah Xoolo Dhaqatada deegaanadaas ayaa sheegay in xaalufinta dhirta ay saameyn ku yeelatay, islamarkaana si weyn looga dareemayo gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Waxaana ugu baaqay madaxda maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka  Soomaaliya in ay wax ka qabtaan arrimahaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/02/dhirta-1.mp3
The post Xaalufinta Dhirta oo ka bilaabatay deegaano ka tirsan G/ Gedo appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live