Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sarkaal Chinese ah oo shahaado sharaf lagu siiyay...

$
0
0

Sarkaal u dhashay dalka China oo hogaaminayey howlgal sannadkii hore lagu soo badbaadiyay markab ganacsi oo burad-badeed ku af-duubtay Gacanka Cadmeed, ayaa la guddoonsiiyay shahaado sharaf halyeeynimo,sida ay sheegtay Warbahinta Gudaha.
Hawlgalkaasi lagu soo badbaadiyay markabka ganacsi ayaa sidoo kale lagu soo qabtay saddex kamid ah burcad-badeedda Soomaalida.
Ku xigeenka duqa magaalada Fuzhou oo ka tirsan gobolka Jiangxi ee bariga dalka China,ayaa Arbacadii gurigiisa ku booqday sarkaalka oo lagu magacaabo Gong Kaifeng,wuxuuna ku ammaanay guulaha uu ka gaaray hawlgalkaasi,sida lagu qoray bogga Thecover.cn
15 April ee sannadkii hore,Mr.Gong iyo 15 kamid ah saaxiibadiisa oo ka socday unugga gaarka ah ee ciidamada baddda China ee loo yaqaanno "Dragon Commando"ayaa soo badbaadiyay markab xamuul ah,kadib markii burcad-badeed ku weerartay Gacanka Cadmeed.
Markabka lagu magacaabo OS35 ayaa ku gooshayey calanka Jasiiradda Tuvalu,xilliga ay weerartay burcad-badeedda,isagoo markiiba caawinaad weydiistay ciidanka badda China.
sarkaalka Gong Kaifeng ayaa lagu bogaadiyay sidii geesinimada lahayd ee uu burcadda uga soo furtay 16 shaqaale u dhashay dalka Philippines oo saarnaa markabkaasi.
Hawlgal lagu badbaadiyay markabka ayaa lagu tilmaamay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay burcad-badeedda Soomaalida qaadeen ciidanka badda waddanka China.Xishasho: South China Morning Post
PUNTLAND POST
The post Sarkaal Chinese ah oo shahaado sharaf lagu siiyay Soomaali uu soo qabtay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Daawo Sawirro muujinaaya mas’uuliyad darada Maamulka...

$
0
0

Muqdisho (- Online)-Waxaa sii kordhaaya nadaafad daro ka taagan Qaar ka mid ah Wadooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho, kuwaa oo eersanaaya dadaal la'aan ka jirta dhanka maamulka Gobolka Banaadir.
Waddooyinka ugu badan ee magaalada Muqdisho iyo goobaha lagu ganacsado sida Suuqa Bakaaraha ayaa Saldhig u noqday biyo cagaartay oo ka dhashay qashinka iyo biyaha ay Maqaayadaha soo qubaan.
Biyaha iyo Qashinka ugu dan ayaa iminka buux dhaafiyay Suuqa Bakaaraha oo hoostagta Degmada Howlwadaag gaar ahaan Wadada Masjidka Xareed ee Aada isgoyska Baar Ubax ayey jarta wasaqda ka dhalatay Nadaafad Darada.
Waddooyinka aan kor kusoo xusnay ayaa fadhiisi u noqday biyo cagaartay oo midabkooda isbedelay, islamarkaana waxa ay waddaasi noqotay mid lagu soo guro qashin badan.
Wadda Xareed ayaa muhiim ah u ah Isku socodka dadka iyo Gaadiidka, waxa ayna isku xirtaa waddooyin badan oo halboole ah.
Qashinka iyo Biyaha fadhiya waddooyinka Gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah mas'uuliyad darada heysata maamulka Gobolka Banaadir oo iyagu qaada dhaqaalaha ugu badan ee ku jira gacanta shacabka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saldhig u noqonaaya xil kasnimo la'aan waxaana xusid mudan in waddooyin kabadan 13 ay yihiin kuwo ay jareen wasaq iyo biyo sababay cuduro kala duwan.
Sidoo kale, waxaa jajaban waddooyin aad u farabadan oo ay shacabku ku bixiyaan lacago canshuur ah, hase ahaatee waxa ay dadku is weydiinayaan halka lagu bixiyo lacagaha canshuurta marba haddii uu arinku sidaa yahay.
Qaar ka mid ah shacabka ayaa sheegay in waddaasi horay lagu sameeyay dayactir, islamarkaana la saaray waddo laami Balse nasiib daro ay weyday maamul daryeela, halka maamulka hadda jira uusan iska xil saarin mas'uuliyada ka saran nadaafada.
Maamulka Gobolka Banaadir ee uu Hoggaamiyo Eng. Yariisow ayaa ka badan'la xaflado iyo xarig ka jarista xarumo Degmooyin oo la dayactiray
Inta badan maamulada degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaan iska xilsaarin ilaalinta Nadaafadda Wadooyinka dib u dayactirka lagu sameeyay.
storvideo: 

Daawo: Garyaqaan Guuleed Dalfac Oo Xadhiga Dadka...

$
0
0

Daawo: Garyaqaan Guuleed Dalfac Oo Xadhiga Dadka Nafada Ku Tilmaay Inay sharci Darro Tahay ... Fariin diray oo sheegay in xoriyadooda loo soo celiyaa
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Xildhibaan Qabile oo Ka soo hor jeestay...

$
0
0

Daawo: Xildhibaan Qabile oo Ka soo hor jeestay Hadalkii Gudoomiyahooda Baashe Kuna Sheegay in aanay Haboonayn In Dastuurka loo Furay maslax Aan caam ahayd ama khusaysa dad gaar ah
[embedded content]
storvideo: 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga oo Arbacada...

$
0
0

Sida qorshuhu yahay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga,Hakan Cavusoglu ayaa booqasho rasmi ah oo laba maalmood qaadanaysa todobaadkaan ku tegi doona dalalka Suudaan iyo Soomaaliya.
Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha debadda dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in maalinta talaadada ah uu Mr.Cavusoglu magaalada Khartoum kula kulmi doono dhigiisa waddanka Suudaan,Bakri Hassan Saleh,iyagoo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashigooda.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa sidoo kale booqan doona Jasiiradda Suakin ee dalka Suudaan,halkaasoo uu ka socdo mashruuc muran xooggan dhaliyay oo dowladda Turkigu maal-gelinayso.
Mashruucan ayaa lagu doonaya in Jasiiradda Suakin looga sameeyo xarun dalxiis oo ay maamusho xukuumadda Turkiga,balse dalalka Masar iyo Sacuudiga ayaa arrintaasi ka carooday iyagoo Turkiga ku eedeeyay in uu halkaasi ka dhisayo saldhig militari oo halis ku ah amnigooda.
Jasiiradda Suakin oo ku taalla xeebta galbeed ee Badda Cas,ayaa 261nautical miles u jirta Jeddah oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Sacuudiga.
Dhinaca kale Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga,Hakan Cavusoglu ayaa Arbacada booqasho ku imaanaya magaalada Muqdisho ee caasumadda dalka Soomaaliya,isagoo la kumi doona madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Kheyrre,sida lagu xusay qoraalka lagu daabacay Wasaaradda Arrimaha debadda Turkiga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saari doona xoojinta xiriirka walaalnimo ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga,arrimaha Amniga iyo deeqaha turkigu siiyo Soomaaliya,sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha debadda Turkiga
PUNTLAND POSTCabdiraxmaan Ciise Cumar
The post Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga oo Arbacada booqasho ku imaanaya Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo: Netanyahu ga Israil Oo Digniin u diray Dalka...

$
0
0

Daawo: Netanyahu ga Israil Oo Digniin u diray Dalka Iran iyo Wasiirka Arimaha Dibada Iran oo Jawaab Adag ka bixiyey.... Labada Dal oo Fiintu Dhex miranayso
storvideo: 

Dadkii ka badbaaday toogashadii Florida oo dibadbaxyo qorshaynaya

$
0
0

Dhalinyaro ka badbaaday toogashadii ka dhacday iskuulka ku yaalla gobolka Florida ayaa dalbanaya in la sameeyo siyaasad lagu xakamaynayo hubka.

QAABKA DOORASHADA RAYSAL-WASAARAHA CUSUB EE ETHOIPIA...

$
0
0

QAABKA DOORASHADA RAYSAL-WASAARAHA CUSUB EE ETHOIPIA LAGU SOO XULAYO
Waxa Daabacay staff-reporter on Feb 18th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Jigjiga(Awdalpress) Sabti, 17ka February 2018. Doorashada raysal-wasaaraha cusub waxaa ka hadhay maalmo maadaama oo aysan wali dhamaanin qiimayntii usocotay ururada ANDM ee deegaanka Axmaarada iyo ururka SEPDM ee deegaanka shucuubaha koonfureed islamarkaana ururka SEPDM ee deegaanka shucuubaha koonfureed laga sugayo inuu soo doorto gudoomiyaha cusub ee ururkiisa meesha ururka ANDM ee deegaanka axmaaradu uu wali isqiimaynayo.
Hadaba marka ay soo dhamaato qiimaynta ururada SEPDM iyo ANDM kadib waxaa la isugu yeedhi golaha dhexe ee EPRDF oo shir isugu iman shirkana waxaa furi raisal-wasaare Hailemariam desalegn iyo kuxigeenkiisa mudane Dembeke Mokenen waxaana halkaas lagu dooran gudi doorasho oo ka kooban ugu yaraan 5 xubnood oo tirin doonta cododka qarsoon, Kadibna 3 xubnood ama ugu badnaan 4 xubnood oo noqonaysa musharixiinta raisal-wasaraha cusub yaa lasoo dhigi iyadoo musharax kasta inuu musharax noqdo ay tahay inuu ka helo codka musharaxnimadiisa golaha dhexe kadib 3daas musharax baa cod qorsoodi ah waxaa ku dooran 180ka xubnood ee uu golaha dhexe ee EPRDF ka koobanyahay oo urur kasta oo kamid ah EPRDF uu 45 xubnood ku leeyahay . Hadaba marka ay golaha dhexe ee EPRDF ay raisal-wasaaraha doortaan sidaas ayuu raisal-wasaare ku noqonayaa. Sababtoo ah dastuurka dalku wuxuu dhigayaa raisal-wasaaraha dalka waxaa dooranaya golaha dhexe ee ku guulaysta doorashada dalka ka dhacda, mar haduu golaha dhexe doorto raisal-wasaaraha dalkana waxaa baarlamaanka dalka loo horgayn oo kali ah in lagu dhaariyo ee codna uma qaadi karaan mana diidi karaan waa sida uu Dasuurka dalku dhigayo.
Source:Cakaaranews
This post has been viewed 160 times.
storvideo: 


Dadkii ka badbaaday toogashadii Florida oo...

$
0
0

Dhalinyaro ka badbaaday toogashadii ka dhacay iskuulka ku yaalla gobolka Florida ayaa dalbanaya in la sameeyo siyaasad lagu xakamaynayo hubka.
Ardayda ayaa sheegaysa inay doonayaan in dood laga yeesho xakamaynta hubka ee dalka Maraykanka iyo sidii laga yeelli lahaa.
Weerarkaasi oo lagu laayay 17 qof ayaa noqday kii ugu darnaa ee Maraykanka ka dhaca tan iyo sanadii 2012-dii
Dibadbaxayaal shallay Maraykanka ku mudaaharaday ayaa ku qeylinayay ' Ceeb ayaa dushiin ahaatay ' iyagoo ula jeeday xilibaanada iyo madaxweynaha Maraykanka.
Madaxweyne Donald Trump oo arrinkan toogashada iyo xakamaynta hubka ka hadlay ayaa eedayn u jeediyey xisbiga dimoqraadiga iyo maamulkii madaxweyne Obama.
Waxaa la qorshaynayaa inay dhacaan banaanbaxyo waawayn oo arrinka loogu ololaynayo iyo sidii hubka loo xakamayn lahaa.
Sabtidii la soo dhaafay ayaa arday, waalidiin iyo siyaasiyiin badan waxay ka qaybqaateen ololahan socda ee hubka.
Xakamaynta hubka ayaa dalka Maraykanka waxay mudaba ka ahayd muran dhexyaalla siyaasiyiinta labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga
Masiibada toogashada ee dhowaanta dhacday waxuu keenay muran cusub iyo su'aalo la iska weydiinayo hubka iyo xakamayntiisa
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.

Yaa leh awoodda maamulka canshuuraha dalka?

$
0
0

Dowladaha caalamka ee hanaqaaday maamulka, maareynta, iyo jaangoynta canshuuraha waxaa u xil-saaran hay' ad ama wakaalad gooniya oo dejisa barnaamijka canshuuraha dal waliba leeyahay, tusaale ahaan Kenya waxaa jirta Kenya Revenue Authority (KRA), Uganda waxa jirta Uganda Revenue Authority (URA), Ethiopia waxaa jirta Ethiopian Revenues and Customs Authority (ERCA) oo Federaali ah, halka Mareykanka ay jirto Internal Revenue Service (IRS).
Wakaaladda Canshuuraha waxaa unka ama dhismaheeda abla-ableeya Baarlamaanka Dalka waxayna ka hoos shaqeysaa inta badan wasaaradda maaliyadda, qorsheynta & horumarinta dhaqaalaha ee dalku u leeyahay. Wakaaladda maareynta canshuuraha iyadoo raacaysa sharciyadda ay Baarlamaanka dejiyeen ayay fulisaa dhaqan-gelinta, qiimeynta, dejinta, iyo xisaabinta noocyada kala duwan ee canshuuraha dalkaas laga qaado.
Inta badan canshuuraha dalalku ay qaadaan waa labo nooc. Canshuur toos ah "Direct Taxes" oo ay kamid yihiin; income tax, capital gains tax, Securities transaction tax & corporate tax I.W.M iyo sidoo kale canshuuraha aanan tooska ahayn "Indirect taxes" oo ay kamid yihiin sales tax, service tax, value added tax (VAT), exercise duty iyo wixii la halmaala. Dal walbana qaabkaas ayuu inta badan u wajahaa maamulka & maareynta canshuuraha laga dhaqan-geliyo gudihiisa.
Soomaaliya waxaa ka jira dowlad dhismaheeda iyo gollayaasheeda dowladda la sheego in laga soo xulay oo ay matalayaan dhammaan 18ka gobol ee Soomaaliya, balse ka qaadda canshuurta ganacsatada Hal magaallo. Waxaa ka jirta dowlad Mushaar siisa Baarlamaan la sheego iney matalayaan min lawya-cadde ilaa Dhoobley balse haddana dakhligeedu ku xiran yahay hal dekad oo ah tan Muqdisho.
Baarlamaanku haddaysan abuuri karin Wakaaladda Canshuuraha Qaranka "Somalia Revenue Authority" oo taaba-gelisa barnaamijka canshuuraha dalka ama aysan ugu yaraan mushaarkooda si siman uga raadsan karin dhammaan gobolada dalka, waxaa dowladda la gudboon saddex arimood oo aas-aasiya iney ku dhaqaaqdo:
1- In ganacsatada Muqdisho wax allaale waxay dowladda ka tabanayaan oo dhinaca canshuur qaadista ah loo xaliyo si shuruuud la'aan ah, maadaama ay iyagu kaliya bixiyaan canshuurta inta badan bixisa adeegyada dowladda federaalka Soomaaliya.
2- In xukuumadda iyo Baarlamaanka ay ka shaqeeyaan abuuritaanka Wakaaladda Canshuuraha Qaranka iyo in ugu dambeyn
3- Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya "Gollaha Shacabka" loo qabto aqoon-kororsi "Workshops" lagu kobcinayo aqoontooda dhinaca sharci-dejinta si looga raa-rido in hawsha baarlamaanku tahay sharci dejin iyo isla xisaabtan huffan oo ay ku sameeyaan hay'adaha dowladda Ayan ka dhummuc weyn tahay mooshin yaroo caata ah oo ay ku raadinayaan shaxaad.W/Q Abdiqafaar Shire
storvideo: 

Kurdiyiinta Suuriya oo sheegaya inay wadaan heshiis isbahaysi ah

$
0
0

Dagaalamayaasha Kurdiyiinta ee dalka Suuriya ayaa sheegaya inuu jirro heshiis la xiriira sidii loola wada dagaalami lahaa ciidamada Turkiga ee Suuriya dagaalka ka wada.

Kurdiyiinta Suuriya oo sheegaya inay wadaan heshiis...

$
0
0

Dagaalamayaasha Kurdiyiinta ee dalka Suuriya ayaa sheegaya inuu jirro heshiis la xiriira sidii loola wada dagaalami lahaa ciidamada Turkiga ee Suuriya dagaalka ka wada.
Xukuumada Dimishiq ayaa arrinkani ka hadlin oo wax war ah oo heshiiskani lagu xaqiijinayo kama uusan soo bixin
Sarkaal Kurdiyiinta u hadlay ayaa sheegay inay magaalada Afrin geli karraan maalmo gudahooda oo ay fariisimo ka samayn doonaan
Heshiiska la sheegayo ayaa sidoo kale waxaa laga soo xigtay koox Kurdiyiin ah oo Ciraaq jooga.
Bashar Alasad ayaa ciidamadiisa kala baxay deeganada ay Kurdiyiinta ka dagaalamaan ee Waqooyiga Suuriya sanadkii 2012-kii.
Waxaana markaasi wixii ka dambeeyey deegaanadaasi la wareegay kooxda PYD ee Kurdiyiinta ah.
Dowladda Turkiga ayaa wada dagaal ay ku hujuumayso kooxdaasi Kurdiyiinta ah oo ay qatar weyn u aragto.
Kurdiyiinta ayaa sanado badan waxay raadinayeen madaxbanaani iyo inay ka go'aan Dowladdaha ay ku hoos nool yihiin
storvideo: 

Dowlada Soomaliya oo amartay in la soo xiro...

$
0
0

Dowlada Soomaliya oo amartay in la soo xiro ganacsato waaweyn
Feb 19, 2018 -
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Saraakiisha Wasaaradaas ay xaqiijiyeen in Muqdisho lagu kala iibsado cunooyinka Gargaar ahaanta loo keeno Soomaaliya.
Waxaa qoraalka lagu sheegay in Cunnooyinka sida gaarka ah Suuqyada Muqdisho lagu kala gato ay ka mid yihiin Digir, Buskud, Malmalaado Haruur iyo cunooyinka loogu talo galay Carruurta nafaqo daradu heyso.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka ahna ku simaha Wasiirka Xuseen Cismaan Xuseen oo ku saxiixnaa qoraalkan ayaa Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa lagu amray in ay soo xiraan dadka ka Ganacsada Cunnooyinkan.
Hoos ka Akhriso qoraalka Wasaarada Caafimaadka Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

War deg de ahTaliyaha Nabad sugida Qaranka Soomaliya...

$
0
0

Sida laga soo xiganaayo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaliya ayaa sheegayo in Xabsi guri la galiyey taliyaha KMG ee Nabad sugida qaranka Soomaliya kaa oo la sheegay in la qabtay isagoo ka duuli rabay garoonka caalamiga ee Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho
Taliyahaan oo lagu magacaabo Cabduqaadir kuna magac dheeraa Jaamac ayaa lagu qabtay isagoo Eraboorka Muqdiaho kala duulaayo Hal Malayn oo Doolarka Mareykanka isagoona u socday dalka Turkiga
Gabar ka tirsan Nabada sugida Qaranka ayaa qabatay taliye Jaamac oo si aan sharci aheyn lacagtaas ka duulin rabay magaalada Muqdisho
Jamac ayaa horay u ahaa Sakarataariyaha safaarada Soomalida ee dalka Turkiga waxaana socda Baritaan dheer sababta lacagta intaa la eg ee sharcidarada ah uu dalka uga saraayey
Dowlada Soomaliya ayaa horay u sheegtay in ay dagaal kula jiraan masu maasuqa taa oo hada ka dhigeysa in Xabsi guri la galiyo Taliye sare oo ka tirsan heyda ugu sareysa dalka ee Nabad sugida waxaana la dhihi karaa guul u soo hooyatay dowlada xiligaan gar wadeenka ka yahay Mxamed Cabdulaahi Farmaajo
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
storvideo: 


Wada Hadalka Hala Qeexo

$
0
0

19th February 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Dawladda Federaalka ayaa la fillayaa in ay dhawaan wada hadal la furi doonaan beesha Isaaq. Hase ahaatee, waxaa haboon in la qeexo cidda lala hadlayo. Cidda lala hadlayo waa ineey noqotaa beesha Isaaq oo iyadu ah midda dhibaato ka tirsaneesa dawladdii horre ee Kacaanka, waana iyaga kuwa doonaya ineey goostaan.
Marnaba yeeysan dawladda federaalka ka yeelin beeshan Isaaq ineey la soo shirtagaan wax la yiraahdo Soomaaliland. Biritish Soomaaliland waxaa la isku oran jiray intii gumeeystihii Ingiriiska uu joogay, marka waa ineeysan dhicin in beel dooneeysa dhul aysan laheen laga dhageeysto waxa ay sheeganayaan, waana in Isaaq ahaan loola hadlaa.-Beesha dooneeysa ineey goosato waa beesha Isaaq, waana midda wax ka tirsaneeysa Soomaaliweeyn;-Dhulbahante, Gudibiirse iyo Warsangelli ma ahan dadka doonaya ineey goostaan, waxeeyna doonayaan in Soomaaliweeyn ay ka mid ahaadaan.
[embedded content]Allsanaag.com
Post navigation
- Kaftanka Siyaasadda
storvideo: 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in uu la...

$
0
0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in uu la dagaalami doono Tuugada,alkuliistayaasha , Haweenka xiliyada danbe Socda iyo dalka Soomaliya oo laga joojin doono Cabida Shiishada
Feb 19, 2018 -
Tan iyo markii xilka loo dhiibay gudoomiyaha Gobolka Bqnaadir ahna duqa gobolka Banaadir Cabdiramaan Yariisoow ayaa wax badan ka qabtay magaalada Muqdiaho
Gudoomiye Yariisoow ayaa joojiyey dhis mayaal sharci daraa oo hantida danta guud oo la dhisanaayey
War dhawaan aan helnay ayaa sheegaya in gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu sheegay in uu wax ka qaban doono Tuugada magaalada xiliyada danbe wax dhaca iyo kuwa maandooriyaasha isticmaala sida Qamriga ,xashiisha isagoona sheegay in uu wax ka qaban doono haweebka xiliyada danbe socda waxii ka danbeeyo 11 habeenimo haweebka kaligood soocda la qaban doono cida la socotana Su aalo la weydiin doono
Waxa kale dhawaan la.magacaabi doono Munishiibiyo la dirirto anshax xumadda
Waxa kale soo baxayo asbuucyada soo socda in gabi ahaan la joojin doono ka gaacsiga iyo Cabdida Shiishada taa oo sida la sheegay dalka Soomaliya ku soo badaneysa hadii la joojiyana dad badan oo halis ku jirta cafimaad kooda wax u tari doonto Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

War deg deg ah Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay...

$
0
0

War deg deg ah Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay Baabuur qarax wado oo marayo meel u dhow xarunta Barlamaabka Soomaliya
Feb 19, 2018 -
Sida aan ka soo xigan shacabka ku nool xaafada Howladaag ee gobolka Banaadir ayaa sheegayo in Gaari ka buuxaan walxa qarxo xalay waqtiyadii danbe lagu qabtay meel u dhaxeysa Iskuulka 1 Luuliya iyo Beerta darwiisha oo hada u ah deegaan qoosas badan oo Soomali ah
Gaariga ayaa la ogeen in la diyaarinaayey iyo in uu wada socday iyadoona wadada ka soo degta sayidka ee aada Isgooska Howl wadaag ay xirneed shalay galab ilaa xalay saqdii dhexe
Dadka deegaanka in ay mar qur ah ka war heleen deegaankooda ay xireen ciidamada Amniga baari taan deg deg ah galeen halkaana ku qabteen gaari ay ka soo buuxiyeen walxa qarxo
Wali kama hadlin afayeenada dowlada Gaarigaa qarax sida ee la qabtay xalay waqtiyadii danbe
Si kastaba ha ahatee laamaha Amniga ayaa mudooyinkaan ah kuwa si weyn u shaqeeyo oo wax badan ka qabtay dhanka Amnigq Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454
English News
storvideo: 

Muqdisho: Taliyayaal Ciidan oo La Magacaabay

$
0
0

Dawladda Soomaaliya ayaa goor dhowayd magacawday taliyayaasha booliiska, nabadsugidda iyo asluubta.

Daawo: Caaqil Reer Boorama Ah Oo Eedee ugu...

$
0
0

Daawo: Caaqil Reer Boorama Ah Oo Eedee ugu Balaadhnayd Dusha ka saaray Mayorka Degmada Boorama ... Madaxweyne Muusena Uga Ashkatooday
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live